Jude Bellingham ayaa ganaax labo kulan ah ku seegaya horyaalka La Liga ka dib casaankii uu qaatay kulankii Valencia ee ka dhacay Mestalla Stadium.
Bellingham ayaa ganaaxa labada kulan gadhka loo geliyay ka dib markii uu dhamaadkii ciyaarta ka cawday gool sax ahaa oo laga diiday iyadoo garsoore Gil Manzano uu seeriga dhamaadka ciyaarta yeeriyay iyadoo weerarka Real Madrid uu socdo.
Jariirada Marca ayaa shaacisay in garsoorayaasha Spain ay dhamaantood ka mideysan yihiin inaysan aaminin Jude Bellingham.
Waxay sharaxaad ku bixiyeen in garsoorayaasha La Liga ay isku sheegeen in Jude Bellingham uu cabasho badan yahay islamarkaana marka uu garsoorayaasha la hadlayo uu kula hadlo cod dheer oo qeylo oo kale ah, iyagoo u arkay inay tahay xushmad darro.
Aragtida la heysto xiddiga Ingariiska ayaana keentay in garsoore Gil Manzano uu ku degdego inuu casaan u taago Bellingham inkastoo ciyaartoy badan oo Real Madrid ay sidiisa oo kale ka cabanayeen goolka laga diiday.
Madaama Bellingham uu garsoorayaasha la hadlo mar kasta uu u arko in kooxdiisa laga qaldan yahay waxay keentay inay lambarkiisa qortaan islamarkaana ay bartilmaameed ka dhigtaan mar kasta uu cabasho sameeyo.
Intii uu joogay horyaalka Bundesliga waxaa uu qaatay 33 jaale midkoodna kuma qaadanin inuu la dooday garsoore laakiin 22 kulan uu ka ciyaaray horyaalka La Liga waxa uu durba qaatay shan jaale iyo hal casaan.