Ibrahima Konate ayaa ka fiican sidii markii hore laga baqayay ka dib markii daafaca Faransiiska uu xilli hore ka baxay ciyaartii ay Liverpool ka badisay Sparta Prague taasoo keentay walaac ah inuu seegi doono kulanka Axada ee Manchester City.
Konate ayaa dalbaday in la bedelo bilowgii qeybta labaad ee ciyaartii ay Liverpool ku badisay 5-1.
Waxa uu u muuqday mid uu soo gaaray dhaawac muruqa bowdada ah, wuxuuna garoonka ka baxay isagoo xanuun dareemaya. Waxay taasi keentay in taageerayaasha Liverpool ay ka walwalaan inuu qeyb ka noqdo liiska dheer ee xiddigaha ka dhaawacan ee seegaya kulanka adag ee Man City.
Laakiin Klopp ayaa hoos u dhigay baqdintaas ka dib ciyaarta isagoo sheegay in bedelkiisa uu ahaa mid feegijnaan ah.
“Ma garaneyno” ayuu ku jawaabay markii la weydiiyay haddii Konate uu taam u yahay kulanka Man City.
“Ibou [Konate] waxa uu ii sheegay waqtigaas inuu dareemay in haddii uu orod kale sameeyo in dhaawaciisa uu sii xumaanayo.
‘Sidaasi darteed wuxuu yiri wuu fiicnaan doonaa laakiin ma ogin.”
Joe Gomez ayaa isna sidoo kale la bedelay waxaana loo maleynayay inuu dhaawacmay balse Jurgen Klopp ayaa sheegay in bedelkisa uu ahaa mid la sii qorsheeyay.
“Joey wuu fiican yahay. Waxaan u soo bixiyay sababtoo ah waxa uu ciyaaray kulamo badan, kaliya isku shaandheyn ayay aheyd.”