Darwin Nuenz ayaa isku qoray buuga taariikhda kulankii ay xalay ka badiyeen Sparta Prague ee Europa League.
Fiidnimadii Khamiista, Liverpool ayaa u safartay garoonka Epet Arena si ay u wajahdo kooxda Czech ee Sparta Prague kulan ka tirsan wareegga 16-ka ee Europa League.
Iyadoo kulan weyn oo Premier League ah oo ay Manchester City ku wajihi doonto Anfield Axadda, dad badan ayaa filayey in Jurgen Klopp uu soo geli doono koox xoogaa daciif ah.
Si kastaba ha ahaatee, xiddigo ay ka mid yihiin Andy Robertson, Alexis Mac Allister, Luis Diaz iyo Nunez ayaa dhamaantood lagu magacaabay shax Liverpool oo xoogan.
Liverpool ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay sideed daqiiqo gudaheed waxaana rigoore u dhaliyay xiddiga reer Argentine ee Mac Allister.
Kadib markii ay ka badbaadeen duufaantii Sparta Prague Liverpool ayaa la timid goolkeeda labaad waxaana u dhaliyay Nunez kaas oo dhigay taariikh.
Weeraryahanka ayaa darbo ka soo tuuray meel kore isagoo dul marsiiyay goolhayaha Sparta Prague ee Peter Jensen.
Goolkii uu dhaliyay xiddiga reer Uruguyan wuxuu ahaa goolkii 1000-aad ee Liverpool ee waayaha Jurgen Klopp.
Darwin Nunez's goal against Sparta Prague is Liverpool's 1000th under Jurgen Klopp. #LFC | #UEL pic.twitter.com/AOQpXpHuCH
— The Athletic | Football (@TheAthleticFC) March 7, 2024
Waa la arki doonaa inta gool ee kale ee ay Liverpool dhalin doonto ka hor inta uuna Klopp kooxda ka tagin xagaaga.
Tababaraha Jarmalka ayaa ka yaabiyay dunida kubada cagta bishii Janaayo markii uu ku dhawaaqay inuu go’aansaday inuu iska casilo shaqada Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.