Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa laba ciyaartoy oo cusub kusoo dartay liiska xiddigaheeda Europa League ee caawa ka hor tegaya Sparta Prague lugta hore ee wareegga 16ka, kaas oo ay waliba safar ugu tageen waddanka Czech Republic.
Jurgen Klopp ayaa magacaabay 23 ciyaartoy oo uu u gudbiyey UEFA oo u ciyaaraya wareegga 16ka tartanka, iyadoo uu hore liiska uga saaray Joel Matip oo dhaawac ku maqnaanaya xilli-ciyaareedka oo dhan, halka booskiisa uu soo galay goolhaye Adrian, iyadoo Reds buuxisay liiska 17ka ciyaartoy ee ajaanibka ah ee uu sharcigu u ogol yahay.
Tababare Klopp ayaase waxa uu haystaa fursad uu liiskiisa ku kordhisan karo isagoon xidhiidhka UEFA uga baahnayn diiwaangelin, waxaana loo ogol yahay inuu u yeedho ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso 21 jirka oo lagu qoro liiska loo yaqaano ‘List B’.
Mateusz Musialowski oo aan waligii u ciyaarin kooxda koowaad ee Liverpool ayaa lagu soo daray liiska xiddigaha safarka ku tegaya Prague, balse waxa safarka ka hadhay Jayden Danns oo wacdaro ka dhigay kulamadii u dambeeyey kooxda, kaas oo isaga oo ku qoran ‘List B’ lagaga tegay England maadaama uu dhaawac fudud soo gaadhay.
Halkan kaga bogo liiska xiddigaha B List ee Liverpool: Marcelo Pitaluga (out on loan), Fabian Mrozek, Luke Chambers (out on loan), Jarell Quansah, Conor Bradley, Harvey Elliott, Stefan Bajcetic, Calum Scanlon, James McConnell, Lewis Koumas, Thomas Hill, Kaide Gordon, Jayden Danns, Mateusz Musialowski, Melkamu Frauendorf.