Ciyaartii caawa ee kooxaha Southampton iyo Preston ee heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa la baajiyey, iyadoo ay ciidamada la dagaallanka dabku ay ku hawlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dab ka kacay agagaarka garoonka St Mary’s ee kooxda Southampt;on.
Galabtii ayaa lagu war helay garoonka oo uu qiiq qariyey, waxaana halkaas laga daad-gureeyey shaqaalihii ku sugnaa iyo waxyaabaha kale ee laga badbaadin karayey dabka.
Dabkan oo ka kacay goob warshad ah oo tallaabooyin u jirta garoonka ayaa waxa markiiba uu dabku u fiday meelaha kale ee ku xiga oo ah hangaro waaweyn oo isku xig-xiga oo garoonkana tallaabooyin u jira.
Warshadda ayaa la sheegay in uu dabku baabi’iyey, waxaana wali socda dedaallo dabka lagaga horjoogsanayo garoonka.
Wargeyska The Sun ayaa sheegay in kooxaha la dagaallanka dabku ay wali dedaal badan ku bixinayaan iyadoo cirkana uu qariyey qiiq madow oo ceeryaamo noqday.
Warshadaha gubanaya ayaa waxa iska leh mulkiileyaasha kooxda Southampton oo horyaalka Premier League heerka labaad uga dhacday xilli-ciyaareedkii hore.
Garoonka St Mary’s ayaa waxa uuq aadaa 32,000 taageereyaal ah, waxaana ay ahayd in caawa uu martigeliyo kulanka kooxda Southampton iyo Preston oo heerka labaad ay hadda ka wada dheelaan.