Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa heshay war fiican oo ku saabsan ciyaartoyda dhaawaca kaga maqnaa ka hor usbuuca xaasaasiga ah ee ay Manchester City ku ballansan yihiin garoonka Anfield.
Liverpool oo hoggaaminaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay hal dhibic ka horreeyaan City oo labaad ku jirta ayaa waxa ay afar dhibcood ka sarrayn doontaa kooxda tababare Pep Guardiola haddii ay guuleysato Axadda.
Liverpool oo sidoo kale fursad u aragta isku dhaca Manchester City iyo Arsenal ee usbuuc kaddib oo horyaalka Premier League foodda isku dari doona, ayaa waxa Sabtidii la baxsaday Darwin Nunez oo beddel kusoo galay isaga oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa.
Waxa kale oo Liverpool ay ciyaartaas dib u heshay xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai oo isaguna beddel ku yimid ciyaartii Nothingham Forest.
Si kastaba, ka hor ciyaarta Sparta Prague ee Khamiista ee lugta hore ee wareegga 16ka Europa League, waxa Liverpool usoo laa tay xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo dhaawac muruqa ah kaga maqnaa 12 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo kooxdiisa ah, kuwaas oo ay la socdeen waqtigii uu ku maqnaa ciyaarihii tartanka qaramada Afrika ee uu kusoo dhaawacmay.
Salah oo 19 gool oo dhamaan tartamada ah u dhaliyey kooxdiisa ayaa waxa soo-laabashadiisu ay keenaysaa in weerarka ay ku midoobaan Nunez, Diaz iyo Salah halka uu dookh fiican noqon doono Cody Gakpo, iyadoo khadka dhexena ay joogaan Alexis Mac Allister, Dominik Szoboslai iyo Wataru Endo oo ah saddexda uu iska garab ciyaarsiin doono Jurgen Klopp.
Dhinaca kale, Liverpool waxa ka maqan goolhaye Alisson Becker oo usbuucyadii u dambeeyey uu booskiisa ka ciyaarayey Caoimhin Kelleher, Diogo Jota, Curtis Jones, Thiago Alcantara iyo kuwo kale.