Inkastoo ay Arsenal ay 6-0 ku xasuuqday Sheffield United hadana taasi kama joojinin in taageerayaasha qaarkood ay ka caroodaan tababare Mikel Arteta.
Gunners ayaa weli ku daba jirta kooxaha ay horyaalka kula xafiiltameyso ee Liverpool iyo Man City iyadoo guul weyn ku gaartay garoonka Bramall Lane.
Martin Odegaard, Gabriel Martinelli, Kai Havertz, Declan Rice iyo Ben White ayaa dhamaantood shabaqa soo taabtay kulan kale oo goolal badan ay dhaliyeen.
Laakiin uma muuqato in taageero walba oo Arsenal ah uu qanacsanaa, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasha ay aad uga careysnaayeen bedelada uu sameeyay Arteta.
Waxa uu soo geliyya xiddigaha kala ah Fabio Vieira, Thomas Partey, Gabriel Jesus, Leandro Trossard iyo Cedric Soares.
Laakiin Emile Smith-Rowe ayaa lagu ilaaway kursiga keydka isagoo ciyaarta iyo guushaba ka soo daawaday kursiga keydka.
23 jirkaan ayaa ku dhibtoonaya inuu helo waqti uu ku ciyaaro xilli ciyaareedkan, isagoo kaliya saftay 357 kulan tartamada oo dhan.
Waxaa jirtay waqti uu dhaawac jilibka ah ku maqnaa laakiin taageerayaasha qaar ayaa dareemay inay aheyd in Smith-Rowe fursad loo siiyo inuu ciyaaro madaama Arsenal ay ciyaarta 5-0 ku hogaamineysay qeybtii hore.
Taageere careysan ayaa yiri: “Hala xoreeye Emile Smith-Rowe, waa wax kaftan ah in Cedric la soo geliyo isagana la isla ilaawo. Haddii Arteta uu doonayo inuu bixiyo Ben White markaas ha ciyaarsiiyo Partey daafaca midig sida bilowgii xilli ciyaareedka ka dibna Emile ha dheelo khadka dhexe.”
Taageere labaad ayaa yiri: “Wuu nacay ESR miyaysan aheyn? Go’aanada Arteta ee lixdii bilood ee ugu danbeysay ayaa cadeyn u ah.”
Taageere kale ayaa yiri: “Taageere weyn ayaan u ahay ESR, mana arkin qof isaga neceb oo aan aheyn tababaraheena.”
Mid afaraad ayaa soo qoray: “ESR waa inuu baxo xagaaga ama haddii kale wuxuu iska qasaarinayaa waayihiisa ciyaareed.”
Taageere shanaad ayaa yiri: “Hala xoreeye Emile Smith-Rowe, 5-0 ayaan ku badineynay qeybtii hore, sidaasi oo ay tahayna ma uusan helin xitaa daqiiqad uu ku dheelo.”