Arsenal ayaa doonaysa weeraryahanka reer Brazil ee Raphinha ee garabka weerarka uga ciayara Barcelona iyo 24 jirka weerarka Spain ee Ferran Torres oo isaguna u ciyaara Barcelona. (Fichajes)
Brentford ayaa ka firisanaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka reer Maraykan ee Josh Sargent, si uu ugu beddelo Ivan Toney oo ah 27 jir lala xidhiidhinayo Chelsea iyo Arsenal. (Football.London)
Liverpool waxa ay wada-hadallo la furaysaa difaaceeda Andy Robertson oo ay doonayso inuu u saxeexo heshiis cusub, iyadoo ay soo baxayaan in 29 jirkan ay doonayso Barcelona. (Football Insider)
Manchester City iyo Borussia Dortmund waxay labaduba xiisaynayaan dheemanka AC Milan ee Francesco Camarda oo usbuuca soo socda ay da’diisu noqon doonto 16 jir. Weeraryahankan mucjisada ah oo dhaliyey in ka badan 500 gool ayaa waxa uu iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo Milan. (Gazzetta dello Sport)
Chelsea waxay diyaar u tahay inay bixiso lacagta lixda god ah ee ay Brighton ku xidhay da’yarkeeda Sam Jewell oo la sheegay inuu doonayo inuu ka tago Brighton xagaaga. (Sun)
Arsenal waxa ay diiraddeeda u jeedin doontaa weeraryahanka reer Sweden ee Vitor Gyokeres oo ah 25 jir u dhashay waddanka Sweden. (TodoFichajes)
Xiddiga Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia oo 23 jir ah ayaa waxa warbaahinta la hadlay aabbihii oo sheegay in laacibkani uu sii joogi doono Napoli xilli-ciyaareedka dambe, inkasta oo ay xiisaynayaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona. (Radio Serie A)
Khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Adrien Rabiot ayaa waxa uu wada-hadallo kula jiraa kooxdiisa, waxaana la filayaa inuu u saxeexi doono qandaraas cusub. 28 jirkan ayaase waxa uu dalab ka haystaa Tottenham oo si weyn u doonaysa. (CaughtOffside)
Liverpool waxay rajaynaysaa in ay lacag ka badan £10 milyan oo Gini ka samayn doonto barnaamij dhokumenti ah oo laga samaynayo sagootinta Jurgen Klopp. (Sun)
Arsenal waxa ay Manchester United kula tartami doontaa saxeexa difaaca bidix ee Girona ee Miguel Gutierrez oo ay da’diisu tahay 22 jir, kaas oo 50% ay mulkiyaddiisa leedahay Real Madrid.