Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa doonaya inuu la saxeexdo xiddig uu dhawr jeer isku dayey Jose Mourinho inuu keeno Manchester United waqtigii uu tababaraha u ahaa.
Sir Jim Ratcliffe oo ah maamulaha cusub ee Manchester United ee caynaanka qabtay kaddib markii uu iibsaday 25% saamiyada kooxda, ayaa doonaya inuu kusoo kordhiyo kooxda dhiig cusub marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.
Sida uu ku warramayo wargeyska Mundo Deportivo, ma jiro liis kooban oo ay wali calaamadsatay Manchester United oo ah xiddigaha ay doonayaan inay la saxeexdaan, laakiin tababare Erik ten Hag ayaa waxa uu si shaqsi ah ula dhacsan yahay difaaca bidix ee kooxda Girona ee Miguel Gutierrez oo wacdaro ka dhigaya horyaalka LaLiga, tan iyo markii uu kaga soo biiray Real Madrid.
Gutierrez oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Getafe ayaa waxa uu u wareegay Real Madrid oo uu da’yarteeda ku laylsamay, waxaana uu kooxda koowaad ee Los Blancos u dheelay toban ciyaarood.
Tababarihii hore ee Manchester United ee Jose Mourinho ayaa July 2017 waxa uu isku dayey inuu la saxeexdo Gutierrez oo waqtigaas ay da’diisu ahayd 16 jir, laakiin waxa ku garaacday oo ka hor qaadday Real Madrid.
Sannadkii 2022 ayuu heshiis shan sannadood ah u saxeexay Girona, laakiin waxa xuquuqdiisa 50% iska leh Real Madrid oo dib ula wareegi karta marka ay doono iyadoo bixinaysa kala-badh qiimaha laacibkan, amaba £7 milyan oo Euro oo kaliya.
Laakiin uma badna inay Madrid waqtigan la saxeexan donto Gutierrez sababtoo ah waxa ay doorbidayaan difaaca Bayern Munich ee Alphonso Davies oo la filayo in ay xagaaga lasoo wareegaan.
Manchester United ayaa dhinaceeda quus ka taagan Luke Shaw oo ay dhaawacyo daashadeen isla markaana 12 ciyaarod oo kaliya u dheelay xilli-ciyaareedkan halka usbuuc ka hor la sheegay in uu inta ka hadhay xilli-ciyaareedka jiifi doono. Sidoo kale, Trell Malacia oo ahaa saxeexii koowaad ee uu sameeyo Ten Hag markii uu yimid Man United ayaa isaguna ku maqan dhaawac soo gaadhay xilli-ciyaareedkii hore.