Kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Almeria ayaa haatan ku socota wadadii ay ku diiwaan galin lahayd taariikh aan horay looga diiwaan galin shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub- waana rikoodh aysan cidna rabin.
Kooxda Andalus ka dhisan ayaa si dirqi ah kaga badbaaday inay ka harto horyaalka heerka koowaad ee Spain xilli ciyaareedkii hore, iyagoo ku dhameysatay kaalinta 17aad.
IXilli ciyaareedkan waxay ku rajeynayeen inay ku bilowdaan si fiican laakiin taasi cagsigeeda ayaa dhacday iyadoo Almeria ay xilli ciyaareedka ku bilaabatay iyadoo u hooseysa horyaalka haatan weli booskaas ayay fadhiyaan.
Waxa ay xagaagii kharash gareeyeen lacag aad u badan iyaga oo 14 milyan oo euro kula soo wareegay daafaca dhexe ee Cesar Montes iyo 8 milyan euro oo ay ku soo iibsadeen weeraryahanka reer Colombia Luis Suarez oo ka yimid Marseille.
Almeria ayaa wali ku jirta kaalinta ugu hoosaysa horyaalka,waxana ay leedahay 9 dhibcood oo ay ka heleen 27 kulan oo ay ciyaareen. Waxaaba kaaga sii daran in aysan hal kulan badinin xilli ciyaareedka oo dhan.
Laakiin waxay hadda halis ugu jiraan inay jabiyaan rikoorka dhibcaha ugu yar ee xilli ciyaareedka La Liga tan iyo markii sharciga kubada cagta loo bedelay guul walba seddex dhibcood, iyadoo rikoodhkaan ay heysato Sporting Gijon oo xilli ciyaareedkii 1997/98 ku dhameysatay kaliya 13 dhibcood.
Almeria ayaa sidoo kale ku socota inay xilli ciyaareedka ku dhameysato iyadoo aan wax guul ah gaarin, taasoo aan waligeed laga diiwaangelin shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.
Weli kama dhicin taariikhda kubada cagta ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub in koox ay xilli ciyaareedka ku dhameysato iyadoo aan wax guul ah gaarin.