Lee Clark waxa uu rumaysan kari waayey wixii uu wiilkiisu ka sameeyey ciyaartii FA Cup ee wareegga siddeedda ee Arbacadii ay 3-0 ku karbaaseen Southampton.
Isaga oo dusha sare fadhiya ayuu arkayay wiilkiisa Bobby Clark oo garoonka soo gelaya oo samaynaya waxyaabo cajiib ah, isla markaana ku qasbay inuu oohin miciinsado. Waxa uu ka qaylinaya dusha sare ee garoonka isaga oo leh: “Hore u soco wiilkaygii, wax samee. Miyaanad goysmo ku samayn karayn kaas? la dhaaf kubadda.” Markii uu hadalladan lahaa, waxa uu Lee Clark qirtay inay ilmadu ka da’aysay oo ay dhabannadu qoyanaayeen.
Lee Clark oo u ciyaari jiray Newcastle United, waxa uu dhalay dheemanka Liverpool ee Bobby Clark oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartii FA Cup ee Southampton, ayaa caawiyey goolka kooxaad ee kooxdiisa.
19 jirkan ayaa dhamaystiray 91% kubbadihiisa, waxaana uu abuuray afar fursadood oo midkood gool noqotay intii ay socotay ciyaartaasi.
Aabbihii Lee Clark oo ka hadlayay wiilkiisa ayaa yidhi: “Waxaad mooddaa sidii Subbuteo oo kale, kaliya waxa aan doonayaa in uu gaadho yoolkiisa oo uu goolal dhaliyo. Anigu uma walwalayo isaga sababtoo ah waan garanayaa waxa uu samayn karayo.”
Saddex maalmood ka ciyaarta ciyaarta Southamtpon, Bobby Clark ayaa waxa uu isku sii muujiyey oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey finalkii Carabao Cup ee ay Chelsea ku garaaceen. Waxa uu ahaa ciyaartoygii keenay koornaha uu soo tuuray Tsimikas ee uu goolka u beddelay Virgil van Dijk.