Indhaha taageereyaasha kubadda cagtu waxay ku jeedsan doonaan garoonka Etihad Stadium maalinta Axadda, halkaas oo uu ka dhici doono kulankii 192aad ee Manchester Derby oo ay isku arkayaan kooxaha ay kala hoggaamiyaan Pep Guardiola iyo Erik ten Hag.
Safarka ay Manchester United ku tegayso Etihad Stadium ayaa isbeddel ku samayn karaya figta sare ee tartanka horyaalka Premier League haddii ay Red Devils libin kasoo hesho, halka City oo saddex dhibcood hesha ay hoos u celinayso Man United oo sare usoo ruqaansanaysay usbuucyadii u dambeeyey ka hor intii aanay Fulham madaxa kaga istaagin.
Liverpool oo hoggaanka haysa, isla markaana ay usoo laabteen ciyaartooyo dhaawac kaga maqnaa kulankii FA Cup ee Southampton ayaa waxay Sabtida u tegaysaa Nottingham Forest oo haddii ay kasoo guuleysato ay sii dheeraysan doonto hoggaanka, illaa inta ay kasoo baxayaan natiijooyinka kulamada ay dheelayaan Man City iyo Arsenal.
Chelsea oo ay kooxdiisu kasoo doogtay niyad-jabkii kasoo gaadhay finalkii Carabao Cup ee Wembley ay Liverpool ku silcisay, isla markaana Arbacadii ka adkaatay Leeds United wareegga shanaad ee FA Cup, ayaa waxay marti u noqon doontaa Brentford oo uu waqtigu ku adag yahay, halka Arsenal ay u tegayso Sheffield United.
Khabiirka ciyaaraha Paul Merson oo saadaaliyey kulamada usbuucan, ayaa waxa uu guulo waaweyn siiyey Manchester City oo uu sheegay inay xasuuqayso Man United iyo Arsenal, halka Liverpool uu ugu bushaareeyey saddex dhibcood oo ay ku dhibaatoon doonto.
Halkan kaga bogo saadaasha Paul Merson ee kulamada usbuucan ee Premier League:
Newcastle 3-2 Wolves
Tottenham 3-1 Crystal Palace
Nottingham Forest 1-2 Liverpool
Brentford 1-2 Chelsea
Everton 2-1 West Ham
Fulham 1-1 Brighton
Luton 1-2 Aston Villa
Burnley 1-2 Bournemouth
Man City 3-0 Man United
Sheffield United 0-3 Arsenal