Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday inuu u damqanayo Erik ten Hag iyo Manchester United ka hor kulanka Manchester Derby ee Axada.
Inkastoo kulamada Manchester Derby ay muhiim yihiin hadana kulanka Axada waxa uu saameyn weyn ku yeelanayaa tartanka hanashada Premier League iyadoo City ay hal dhibic ka danbeyso kooxda hogaanka heysa ee Liverpool.
United ayaa aadeysa Etihad iyadoo 2-1 looga soo badiyay kulankoodii ugu danbeeyay ee Premier League, laakiin wiilasha Ten Hag ayaa uga jawaab celiyay guul ay bartamihii isbuuca ka gaareen Nottingham Forest kulan ka tirsanaa koobka FA Cup.
Inkastoo ay u soo gudbeen wareega sideed dhamaadka FA Cup hadana United ciyaar wanaagsan kuma soo bandhigin garoonka City Ground.
Ka hor kulanka Axada, Guardiola ayaa ka hadlay xaalada ay ku jirto kooxda deriskooda ah, wuxuuna si lama filaan ah u qirtay inuu damqanayo Ten Hag madaama uu cadaadis xoogan ku hoos jiro.
“Marka aad joogto koox weyn waxaad ku qasban tahay inaad badiso oo aad badiso. Kaliya United kuma koobna. Waa inaad badisaa. Laakiin ma ahan wax sahlan in United ay sii wado guulihii cajiibka ahaa ee Sir Alex” ayuu qirtay Guardiola.
“Ma ahan wax sahlan. Waan fahmi karaa. Ka hor intaan England imaanin kooxaha waa weyn waxay lahaayeen sabar badan, laakiin maanta qof walba cadaadis ayuu ku hoos jiraa.”