Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xulatay afar ciyaartoy oo midkood ay u dooranayso inay ka dhigato weeraryahankeeda cusub ee xilli-ciyaareedka dambe hogaamin doona safkeeda, kaddib markii ay saluug badan ka muujiyeen laacibka reer Brazil ee Gabriel Jesus.
Arsenal ayaa sannadkii 2022, waxay Gabriel Jesus kasoo iibsatay Manchester City laakiin rajadii ahayd inuu noqdo gool-dhaliye la isku hallayn karayo ayaa meesha ka baxeday.
Saddex jeer ayuu jilibka ka dhaawacmay Gabriel Jesus tan iyo intii uu yimid Emirates Stadium, waxaana uu hadda garoomada ka maqan yahay tan iyo bishii February.
Ciyaartii Newcastle United ee Arsenal ay guusha 4-1 ah gaadhay ayuu kaydka fadhiyey, laakiin haddana waxa laga waayey garoomada kulankii Liverpool iyo ciyaarihii kale ee ka dambeeyey.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Arsenal ayaa waxa ay hadda calaamadsatay afarta ciyaartoy ee Ivan Toney, Victor Osimhen, Joshua Zirkzee iyo Viktor Gyokeres oo ay midkood la saxeexan doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu.
Toney ayaa ah dookha koowaad ee Arsenal, laakiin Victor Osimhem oo ay u arkaan inuu ciyaartoy ahaan ka wanaagsan yahay kuwa kale ayaa waxa isagana ay eegi doonaan qiimihiisa oo ay rumaysan yihiin inuu ka qaalisanaanayo kan Ivan Toney.
Zirkzee oo u ciyaara kooxda horyaalka Talyaaniga ee Bologna ayaa waxa Arsenal kula tartamaya kooxo waaweyn oo kale, maadaama uu hore waqti ugu soo qaatay Bayern Munich, halka Gvokeres oo Sporting Lisbon u dheela uu isaguna yahay dookha afraad.