Wayne Rooney ayaa ka quusanin riyadiisa ah inuu tababare ka noqdo Premier League, gaar ahaan kooxaha ku riyoonayo inuu tababare u noqdo ee Manchester United iyo Everton.
Rooney ayaa wadar ahaan 16 sannadood ka ciyaaray garoomada Goodison Park iyo Old Trafford, wuxuuna qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto midkood labada kooxood isagoo tababare ah, inkastoo uu ku fashilmay dhawaan shaqadiisii tababare ee kooxda Birmingham City oo laga ceyriyay kaliya seddex bilood uu joogay.
“Waa hubaal waxaan doonayaa inaan shaqada tababare ku laabto” ayuu Rooney u sheegay BBC One isagoo falanqeynayay ciyaartii FA Cup ee ay Man United ka badisay Nottingham Forest.
“Hamigeyga waa inaan ugu danbeyn tababare ka noqdo Premier League, dabcan shaqadeyda riyada waa Manchester United ama Everton, laakiin howl badan ayaa ka horeysa.
“Tobanka sannadood ee soo socda waxaan ku rajo weynahay inaan fursad u heli doono inaan qabto mid ka mid ah shaqooyinka ugu sarsareeya.”
Rooney oo ka hadlayay shaqadii laga ceyriyay ee kooxda Birmingham City ayaa qirtay inuu kooxda tagay waqti qaldan taasna ay sababtay inuu wax ka bedeli waayo natiijooyinkeeda.