Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay inuu ka tegay tababarihii kooxda koowaad oo uu kusii jeedo naadi kale, isla markaana ay beddelkiisa magacaabi doonaan.
Manchester United ayaa isbeddello badan ku samaynaysa kooxdeeda kaddib markii uu maamulka naadiga la wareegay Sir Jim Ratcliffe oo sidoo kalena ka mid noqday mulkiileyaasha naadiga maadaama muddo 11 sannadood ah ay ka qatan yihiin horyaalka Premier League.
War-saxaafadeed ay soo saartay Manchester United ayaa waxay ku sheegtay, in uu ka tegay Eric Ramsay oo ka mid ahaa tababareyaasha kooxda koowaad, isla markaana ciyaartoyda kooxda u diyaarin jiray kulamada, ahaana shaqsiga tababarka siinayey halka Erik ten Hag uu lahaa go’aamada xulashada, saxaafadda iyo maamulka guud.
Waxa uu Ramsey ku biiri doonaa kooxda horyaalka waddanka Maraykanka ee Minnesota United oo uu u noqon doono tababaraha koowaad.
Manchester United ayaa waayaysa 32 jirkan oo lagu tilmaamo mid ka mid ah tababareyaasha ugu fiican ee usoo baxaya kubadda cagta, waxaana falsafaddiisa ciyaareed la dhacsanaa tababare Erik ten Hag oo uu u ahaa sirta ka dambaysa guulihiisa.
United waxay intaa ku dartay, in masuuliyaddii uu hayey Ramsay ay hadda qaban doonaan Steve McClaren iyo Mitchel van der Gaag oo ay caawin doonaan Darren Fletcher iyo Benni McCarty.