Maamulka cusub ee Manchester United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaya xiddiga Luton ee Ross Barkley.
Sir Jim Ratcliffe iyo caawiyihiisa David Brailsford ayaa taageero weyn u ah xiddiga wacdaraha dhigaya ee Barkley iyagoo xitaa u kaxeeyay kooxdooda kale ee Nice ee ka dhisan dalka Faransiiska.
Wacdaraha uu Barkley u dhigayo Luton ayaa keentay inuu bartilmaameed u noqdo Manchester United iyagoo doonaya inay qiimo jaban kula soo wareegaan.
Barkley oo 30 sanno jir ah ayaa caan ku noqday Everton oo uu ka soo baxay laakiin waxa uu ku fashilmay Chelsea.
Laakiin haatan waa laf dhabarta khadka dhexe ee Luton, waana sababta uu u soo jiitay xiisaha kooxda Shayaadiinta Cas Cas.
Waxa uu ka caawiyay Luton inay kubada kala wareegto United todobaadkii hore isagoo ku dhawaaday inuu goolka barbaraha dhaliyo markii uu kubad madax aheyd madax ku garaacay.
Barkley ayaa ka tagi karo Luton haddii ay u dhacaan heerka labaad, waxaana lagu heli karaa qiimo aad u jaban.
Xiddiga reer Brazil Casemiro ayaa la filayaa inuu Old Trafford ka tago haddii la helo koox iibsata, halka Safyan Amrabat uu ku laaban doono Fiorentina marka uu hishiiskiisa amaahda dhamaado.
Barkley ayaana loo arkaa inuu yahay bedelka saxda ah ee Casemiro iyadoo shirkada cusub ee saamiga ka iibsatay Man United ee Ineos ay dooneyso inay ka dhigto mid ka mid ah saxiixyadooda ugu waa weyn xagaaga.