Taageereyaasha kubada cagta ayaa baraha bulshada ku arkay in Cristiano Ronaldo uu midabeeyo cidiyaha lugihiisa sida ay dumar sameeyaan oo kale, balse waxaa jirta sabab uu cidiyaha u midabeeyo oo la ogaaday.
Khamiistii, xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa sawir uu soo dhigay baraha bulshada oo isaga iyo wiilkiisa oo ku jira qolka jirdhiska, waxaa la arkay cidiyaha suulka lugihiisa oo midab madow leh.
Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Ronaldo midabeeyo cidiyihiisa. Waxayna tani keentay in baraha bulshada la iska weydiiyo sababta uu Ronaldo u bilaabay inuu midabeeyo cidiyaha lugihiisa.
Laakiin waxaa haatan la ogaaday in Ronaldo uusan cidiyihiisa u midabeynin qurxin darteed balse ay jirto sabab kale oo caqligal ah.
Sida ay sheegtay majalada Jarmalka ee Bild, 39 jirkaan ayaa cidiyihiisa midabeeya si uu uga hortago fangaska iyo bakteeriyada madaama uu inta badan xiran yahay kabo uu ku dhidido.
Rinjiga uu cidyaha mariyay waa mid ilaalinaya cidiyihiisa lugaha iyagoo ka horjoogsanaya in fangas ama bakteeriyo gasho oo ay jajabaan.
Waa wax ka caadi ah isticmaalka rinjigaan isboortiyada kale sida ciyaartoyda orodka, kuwa feerka iyo kuwa lagdinta.
Halyeeyga ciyaarta feerka Mike Tyson ayaa lagu aqoon jiray inuu midabeeyo cidiyihiisa markii uu ku jiray waqtigiisii ugu fiicnaa ee ciyaarta feerka.