Tuchel ayaa ka tagaya Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo qayb ka ah isbedelka lagu sameynayo kooxda.
Tababaraha Jarmalka waxa uu kooxda Bayern Munich ku hogaamiyay hanashada horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii hore, laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu arkayaa kooxdiisa oo si weyn uga danbeysa kooxda wacdaraha dhigeysa ee Bayer Leverkusen.
Dabcan, Tuchel, oo kula guuleystay Champions League Chelsea 2021kii, ayaa lala xiriiriyay dhowr shaqo oo kooxaha Yurub ah oo ay ku jiraan Liverpool iyo Barcelona.
Sidoo kale, kooxaha sida Chelsea, West Ham, iyo Brighton ayaa ka mid ah kooxaha suuqa u gali kara tababare cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laakiin hadaladii Tuchel uu yiri horaantii xilli ciyaareedkan ee ku saabsan Old Trafford iyo Manchester United ayaa soo jeedinaya in 50 jirkaan uu u furan yahay inuu u qabto shaqada Red Devils haddii Erik ten Hag uu kooxda ka tago.
“Mar walba United waa koox halis ah, waayo-aragnimadayda ayaa ii sheegeysa inay yihiin koox ay tahay halis in lala ciyaaro” ayuu Tuchel yiri bishii December ka hor kulankii Champions League ee Bayern iyo United.
“Waxay leeyihiin hibo u gaar ah, waxay leeyihiin maskaxiyad gaar ah oo mar walba ka dhigeysa inay adag tahay in la garaaco. Waxay u adkeysan karaan xaaladaha adag ee ay ku jiraan, waxaan dareemayaa in tani ay tahay qayb ka mid ah hidahooda.
“Dabcan garoonkooda ayaa qeyb weyn ka qaata, taageerayaashooda waa kuwa xamaasadeysan, masraxa garoonkooda ayaana abuura marxalado gaar ah, waa meel ay adag tahay in la yimaado oo lagu ciyaaro.
“Waa meel weyn, waa koox weyn, waa masraxa kubadeed ee ugu weyn dunida. Hibo iyo xamaasad ayaa ku gaaf wareegsan. ”