Thomas Tuchel ayaa la sheegay inuu iska diiday inuu ku laabto Premier League kaliya maalmo ka dib markii uu shaaciyay inuu ka tagayo Bayern Munich.
Tuchel ayaa ka tagay Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu horyaalka Bundesliga kula xafiiltamo Bayer Leverkusen.
Waxaa lala xiriirinayay shaqooyin ka badanaan England iyo Spain, laakiin tababarihii hore ee Chelsea ayaa durba iska diiday dalab uga yimid hal koox oo Premier League ah.
Sida ay sheegtay The Sun, Tuchel ayaa iska diiday dalab uga yimid West Ham kuwaasoo doonayay inuu u bedelo tababarahooda haatan ee David Moyes.
Moyes ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, wuxuuna cadaadis weyn kala kulmayaa taageerayaasha kooxda.
Inkastoo uu ku hogaamiyay West Ham koobka UEFA Conference League sannadkii la soo dhaafay tababarihii hore ee Man United ayaa ku guuldareystay inuu badiyo sideedii kulan ee ugu danbeysay.
Ilo ku dhow Tuchel ayaa sheegay inuu kaliya aqbali doono inuu ku soo laabto England haddii ay soo dalbadaan mid ka mid ah afarta kooxood ee ugu waa weyn Ingariiska.
Waxa uu sidoo kale soo jiitay xiisaha Spain gaar ahana Barcelona, 50 jirkaan ayaan meesha ka saarin inuu tababare ka noqdo La Liga markiisii ugu horeysay.