Difaacii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxaha Barcelona, Sevilla, Juventus iyo PSG ee Dani Alves ayaa lagu riday xukun maxkamadeed oo dheer oo jeelka uu ku jirayo, kaddib markii lagu helay dembi ah inuu kufsaday haweenay ay ku kulmeen goob lagu caweeyo.
Maxkamad ku taalla waddanka Spain oo muddo ku hawlanayd dhegaysiga kiiska Dani Alves oo baar ku yaalla waddankaas ku kufsaday haweenay isaga oo sakhraansan ayaa maanta xukunkiisa lagu dhawaaqay.
Xeer Ilaalinta Spain ayaa dalbanaysay in Dani Alves lagu xukumo 12 sannadood oo xadhig ah, laakiin maxkamadda ayaa go’aamisay in laacibkan oo muddo sannad ka badan jeelka ku jiray ay ku xukunto afar sannadood iyo badh.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukuntay Alves inuu bixiyo lacag dhan 150,000 Euro oo ah magdhow uu siinayo gabadha dhibbanaha ah oo dalbanaysay in muddo sagaal illaa toban sannadood ah lagu xukumo laacibkan hore.
Maxkamadda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay, in la helay caddaymo buuxa oo muujinaya in Dani Alves uu sameeyey kufsi marka la eego dhacdada iyo xogta ay keentay gabadha dhibbanaha ah, waxaana isla markiiba loo qaaday Dani Alves jeelka lagu magacaabo Brians 2 prison.
Dani Alves ayaa qirtay inay gabadha kulmeen December 30, 2022 xilli ay ku sugnaayeen hotel lagu caweeyo, kaddibna ay musqusha isku raaceen iyaga oo iska raalli ah, laakiin ay gabadhu soo baxday iyadoo ooyaysa oo sheegaysa in la kufsaday.
Si kastaba ha ahaatee, Dani Alves oo lagu tilmaami mid ka mid ah difaacyahannadii ugu wanaagsanaa ee soo maray kubadda cagta, isla markaana noqday ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee Brazil u ciyaara Koobka Adduunka tartankii lagu qabtay waddanka Qatar, ayaa maalmo kaddib markii uu soo dhamaaday Koobka Adduunku ku kacay falka maanta lagu xukumay.