Luke Shaw ayaa seegi kara inta ka harsan xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac kale soo gaaray.
Daafaca bidix ee Manchester United aya sidoo kale haatan shaki uu ku jiraa inuu ka qeyb qaadan karo Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan ka dhacaya dalka Jarmalka.
Shaw ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay Manchester United la ciyaartay Aston Villa iyo Luton.
Inkastoo uu dhaawac ku baxay kulankii Aston Villa, hadana Erik ten Hag ayaa ku soo bilaabay kulankii Luton ee Axadii.
Si kastaba, wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Shaw uu mar kale dhaawac lugta ah soo gaaray intii uu socday kulankii Luton.
28 jirkaan ayaa ciyaarta ka dib la arkayay isagoo si weyn lugta u jiidaya. Tababare Ten Hag ayaan heysanin daafac bidix oo la yaqaano ka dib dhaawicii ugu danbeeyay ee Shaw.
Tyrell Malacia ayaan weli ciyaarin xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac jilibka ah oo soo gaaray xagaagii.
Xiddiga reer Holland ayaa weli la filayaa inuu isbuucyo kale ka maqnaan doono kooxda koowaad.
Dhanka kale, United ayaa kansashay hishiiskii amaahda ee ay Sergio Reguilon uga soo qaadatay Tottenham bishii Janaayo.
Shaw ayaa haatan sidoo kale seegaya kulamada saaxiibtinimo ee ay England la ciyaareyso Brazil iyo Belgium bisha soo socota.
Dhanka kale, Gareth Southgate ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha Shaw ee tartanka Qaramada Yurub.
Xulka Three Lions waxay wareega guruubyada la ciyaarayaan Serbia, Denmark iyo Slovenia.
Dhaawacyada Luke Shaw ee Taxanaha Noqday:
- Dhaawacyo: 4
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 121
- Kulamada uu seegay: 31
2015/16:
- Dhaawacyo: 1
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 288
- Kulamada uu seegay: 64
2016/17:
- Dhaawacyo: 2
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 176
- Kulamada uu seegay: 30
2018/19:
- Dhaawacyo: 4
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 53
- Kulamada uu seegay: 11
2019/20:
- Dhaawacyo: 3
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 91
- Kulamada uu seegay: 23
2020/21:
- Dhaawacyo: 2
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 89
- Kulamada uu seegay: 18
2021/22:
- Dhaawacyo: 4
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 85
- Kulamada uu seegay: 18
2022/23:
- Dhaawacyo: 1
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 13
- Kulamada uu seegay: 3
2023/24:
- Dhaawacyo: 1
- Maalmaha uu dhaawacnaa: 92
- Kulamada uu seegay: 16