Xiddiga reer Senegal ee M’Baye Niang ayaa cusbitaalka loola cararay kaddib markii uu galay shil baabuur oo aanay cidina waxba ku noqonin laakiin isaga ay kasoo gaadheen dhaawacyo.
M’Baye Niang oo hadda u ciyaara kooxda horyaalka Talyaaniga ee Emboli, horena ugu soo ciyaaray kooxaha Watford iyo AC Milan ayaa baabuurka uu wato oo noociisu yahay Mercedes SUV waxa uu ku dhacay dhawr baabuur oo taagnaa baarkinka magaalada Emboli meel u dhow Florence.
29 jirkan oo sannadkii 2017 ay Watford oo horyaalka Premier League ka ciyaaraysay amaah kaga soo qaadatay AC Milan, isla markaana 16 kulan oo uu u saftay u dhaliyey goolal ay kaga guuleysteen kooxaha Burnley iyo West Brom, ayaa waxa uu Emboli kusoo biiray bishii hore iyagoo kasoo qaatay kooxda reer Turkey ee Adana Demirspor.
M’Baye Niang ayaa hore dhawr shil ugu galay waddamada Talyaaniga iyo Faransiiska oo uu ka ciyaaray, waxaana shilkiisa hadda shaaciyey agaasimaha ciyaaraha Emboli oo lagu magacaabo Pietro Accardi oo yidhi: “M’Baye Niang waxa uu subaxnimadii hore ee saaka u baxay inuu lasoo cibaadaysto dad kale oo ay isku diin yihiin. Kaddib waxa uu kusoo laabtay gurigii, kaddibna waxa aanu ogaanay shilka uu galay.
“M’Baye hadda waa uu fiican yahay, waxa uu ka gudbay dhamaan baadhitaannadii caadiga ahaa iyo baadhitaankii masuuliyiinta.”
M’Baye Niang ayaa la sheegay inay xaaladdiisu fiican tahay oo uu awoodi doono inuu dib ugu soo laabto tababarka kooxdiisa ee isku diyaarinaya ciyaarta Sabtida ee Sassoulo, taas oo ay doonayaan inay guul ka keenaan si ay uga baxaan cabsida ka haysata inay khadka cas galaan.
Sannadkii 2012 ayaa M’Baye Niang oo ku sugnaa waddanka Talyaaniga waxa laga mamnuucay inuu muddo 17 bilood ah baabuur kaxeeyo kaddib markii isaga oo aan haysanin liisanka wadista baabuurta uu kexeeyey gaadhi uu walaalkii oo ka weyn leeyahay, isla markaana iska dhigay inuu yahay walaalkii.
Sannadkii 2014 ayaa isaga oo u ciyaara kooxda horyaalka Faransiiska ee Montpellier, waxa uu shil ku galay baabuur Ferrari ah oo uu lahaa, waxaana markaas loo diray 18 bilood oo xadhig ah kaddib markii ay shilkaas ku dhaawacmeen 11 qof.
Laba sannadood kaddib, ayuu mar kale galay shil baabuur, waxaanay dhaawacyo culus kasoo gaadheen garabka iyo kuraanta iyagoo isku dhacay baabuur kale.