Casemiro ayaa u wareegay shirkada Adidas si la mid ah saaxiibkiisa Manchester United Lisandro Martinez, halka Harry Kane uu hishiis la galay Skechers iyadoo seddex xiddig oo Manchester City ah ay u wareegeen shirkada Puma.
Waxaa intaas sii dheer in la soo gabagabeeyay hishiis 500 milyan doolar oo ay Nike kula jirtay xiddiga ciyaarta Golf-ka ee Tiger Woods kaasoo socday 27 sannadood.
Shirkada isboortiag ee Mareykanka ayaa wajaheysa dhibaato weyn madaama ay ka cararayaan xiddigaha isboortiga ee ugu waa weyn dunida.
Sababta rasmiga ah ee ka danbeysa inay xiddigaha isboortiga u wareegaan shirkadaha kale ee soo saara agabka isboortiga ayaa ah mid la xiriirta dhaqaale.
Bishii December shirkada Nike ayaa shaacisay inay u baahan tahay inay miisaaniyadeeda ka jarto 2 bilyan doolar seddexda sannadood ee soo socda madaama suuqooda uu hoos u dhacay.
Waxay taasi keentay inay awoodi waayaan inay ciyaartoyda ku ceshtaan hishisyo qaali ah taasoo keeneysa inay u hayaamaan shirkadaha kale ee u soo bandhigaya lacag ka badan inta ay u soo bandhigeyso Nike.
Dhaqaale xumada Nike soo wajahday waxay sababtay inay todobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqaan in boqolkiiba laba ka mid ah 83da kun shaqaale ee ay leeyihiin la ceyrin doono.
Nike waxay go’aansatay inay kaliya qandaraasyada u cusbooneysiiso xiddigaha waa weyn ee aysan ka maarmin sida Cristiano Ronaldo, halyeeyada NBA ee Michael Jordan, LeBron James iyo Kevin Durant.