Liverpool waxay Arbacada la ciyaaraysaa Luton Town oo ay garoonkeeda Anfield ku qaabbili doonto, taas oo haddii ay guuleysato ka caawin doonta inay mar kale sii dheeraysato hoggaanka horyaalka Premier League oo ay afar dhibcood ka sarrayn doonto Man City oo labaad cidhiidhsan doonta haddii ay caawa ka adkaato Brentford.
Liverpool oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, ayaa waxa kulankeeda Arbacadu uu ku mudaysnaa toddobaadka dambe, laakiin waxa loogu soo qaddimay maadaama ay Axadda ciyaarayaan finalka Carabao Cup oo ay Chelsea iskugu soo baxeen.
Tababare Jurgen Klopp ayaan haysan doonin ciyaartooyo muhiim ah, sida Alisson Becker, Diogo Jota, Curtis Jones, Alexander-Arnold, Dominik Szoboszlai iyo ciyaartooyo kale oo ku maqan dhaawac, waxayna ogsoon yihiin in guul ay ka gaadhaan Luton Town ay ka caawin doonto halganka ay ugu jiraan inay horyaalka kula tartamaan City iyo Arsenal.
Taageereyaasha Liverpool ee ku sugan gudaha waddanka UK ayaa ay dhibaato ku noqon doontaa inay helaan meel ay ka daawadaan ciyaartan, sababtoo ah kuma jirto jadwalka baahinta maxalliga ah.
Sky Sports iyo TNT Sports oo haysta xuquuqda baahinta Premier League, ayaanu midkoodna ku darsanin qorshihiisa ciyaartan, sababtoo ah waxa hore ay ugu diiwaangashadeen maalinta Sabtida ee February 24 oo ay 3pm ku talo-galeen, laakiin isbeddelka lagu sameeyey waqtiga ciyaartan ayaa ay iyaguna diideen inay beddelaan jadwalkooda sababtoo ah waqtiga ay ciyaartu bilaabmayso ee 7:30pm saacadda UK waxa ay haystaan barnaamijyo kale oo ay isku beegmayaan.