Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay xiddiga khadka dhexe ee ugu fiican adduunyada, isaga oo indhaha ka leexiyey Kevin De Bruyne, Bernardo Silva, Luka Modric, Bruno Fernandes iyo Toni Kroos.
Pep Guardiola oo kooxdiisu ay barbarro 1-1 ah la gashay Chelsea maalintii Sabtida toddobaadkan, ayaa waxa ay Salaasada habeen dambe la ciyaari doontaa Brentford kulan hore uga baaqday bishii December, kaas oo haddii ay guuleysato ay hal dhibic ugu jirto Liverpool oo hoggaanka haysa.
Manchester City oo ku hubaysan ciyaartooyo badan oo khadka dhexe ah oo aan la joojin karaynin, ayaa waxa goolka barbarraha u keenay ciyaartii Chelsea laacibka reer Spain ee Rodri iyadoo toddoba daqiiqadood ka hadhsan yihiin dhamaadka ciyaarta.
27 jirkan oo sannadkii 2019 ay Man City kasoo iibsatay Atletico Madrid ayaa illaa hadda u saftay City 237 kulan, isaga oo afartii sannadood ee u dambeeyeyna dheelay in ka badan 50 ciyaarood sannad kasta.
Pep Guardiola oo saxaafadda la hadlay ka hor ciyaarta Brentford ee Salaasada ayaa khadka dhexe ee ugu fiican adduunyada u caleemo-saaray Rodri, waxaanu yidhi: “Haddii aad leedihiin isagu waa kubbad-burburiye, haddana u ciyaaraya sida No.10, waad ku saxan tahay. Marka kubbad-burburiye uu yahay mid la saadaalin karayo ma aha mid fiican.
“Kubbad-burburiyuhu waa inuu u ciyaaro si togan oo uu kooxda ciyaarsiiyo. Tani waa shaqada kubbad-burburiyaha. Dhamaan calaamaduhu waa in ay saarnaadaan ciyaarrtoyda afak hore ee goolasha dhaliya ama caawiya.
“Laakiin Rodri wuxuu mar walba leeyahay awood muhiim ah oo uu goolal ku dhalin karayo, waana ciyaartoy aan la malayn karaynin. Waa khadka dhexe ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan.”