Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in sababtii uu u bedelay Casemiro inay aheyd inuu ka baqayay inuu qaato kaadh labaad oo jaale ah isagoo aaminsan in garsoorayaasha ay bartilmaameedsanayaan xiddiga khadka dhexe.
Casemiro ayaa bilowgii ciyaarta jaale qaatay, isagoo qalad kale uu galay ka badbaaday in jaale labaad la siiyo, waxayna taasi keentay in tababare Ten Hag uu bedelo waqtigii nasashada.
Ten Hag ayaa wareysi uu bixiyay ciyaarta ka dib waxa uu ku sheegay in sababtii uu Casemiro uu u bedelay inay aheyd inuu cadaalad darro kala kulmayo garsoorayaasha.
Waxa uu yiri: “Xitaa marka uusan taabanin ciyaartoyda ka soo horjeeda waxaa la siiyaa kaadh.
“Inta badan waxaa kaadhka la siiyaa bilowga ciyaarta. Waa wax waali ah, cadaalad darro ayayna aheyd jaalihii uu qaatay.
“Jaalaha labaadna cadaalad daradaas oo kale ayuu noqon lahaa waana sababta aan u bixiyay,
“Haddii uu taabto ciyaaryahan ka soo horjeeda kaadh ayaa la siiyaa.”
Xiddigii hore ee Real Madrid Casemiro ayaa dhanka kale u rogay qaab ciyaareedkii liitay ee uu ku jiray xilli ciyaareedkan isagoo qaab ciyaareed fiican u soo bandhigay kooxda todobaadyadii ugu danbeeyay.
Ten Hag oo ka hadlayay xiddiga reer Brazil ayaa yiri: “Waxaad arki kartaa haatan inuu ku soo laabtay kooxda isagoo siinaya deganaansho iyo agaasin.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay soo laabashadisa waxay kor u qaaday heerka kooxda.”
Casemiro iyo Manchester United waxay garoonka ku soo laabanayaan Sabtida marka ay Fulham ku soo dhaweeyaan Old Trafford.