Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa kusoo baxay liiska xiddigaha ay doonayso Paris Saint-Germain u doonayso beddelka Kylian Mbappe oo shaaciyey inuu si xor ah uga tegi doono xagaaga. (Times)
Real Madrid waxay diyaarisay lambarka uu xidhan doono Kylian Mbappe marka uu xagaaga ka dego Santiago Bernabeu, waana No.10 oo uu bannayn doono Luka Modric oo ka tegi doona Los Blancos. (Mundo Deportivo)
AC Milan waxay ka fiirsanaysaa dalabyo laga soo gudbiyey xiddiga reer Portugal ee Rafael Leao oo £85.5 milyan oo Gini ay ku doonayso PSG. Waxa ay PSG u aragtaa beddelka Kylian Mbappe. (Gazzetta dello Sport)
Manchester City waxay rajaynaysaa in tegitaanka Kylian Mbappe ee Real Madrid ay ka caawin doonto culayskii ka saarnaa mustaqbalka Erling Haaland oo isagana la sheegayo in Real Madrid ay doonayso. (Mirror)
Chelsea waxay doonaysaa inay bixiso lacagta lagu burburinayo heshiiska weeraryahanka Napoli iyo xulka Nigeria ee Victor Osimhem, waxaana lacagtaasi ay noqonaysaa £111 milyan oo Gini. (Rudy Galetti)
Manchester United waxay xiisaynaysaa weeraryahanka Bayern Munich ee Mathys Tel oo ah 18 jir u dhashay waddanka Faransiiska. (Sky Sports)
Newcastle iyo Aston Villa ayaa hoggaaminaya tartanka loogu jiro kubbad-sameeyaha Arsenal ee Emile Smith Rowe. (Football Insider)
Arsenal waxay si dhow ula socotaa 19 jirka khadka dhexe uga ciyaara RB Leipzig ee Oscar Gloukh oo u dhashay waddanka Israel, kaas oo ay doonayaan in ay xagaaga la saxeexdaan. (Football Transfers)
Galatasaray ayaa waxa ay doonaysaa inay Manchester United ka doonato goolhayaha reer Turkey ee Altay Bayindir oo 25 jir ah, kaas oo hal kulan oo kaliya u saftay Red Devils tan iyo markii ay kala soo wareegeen Fenerbahce xagaagii tegay. (A Sport)