Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shan dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay guul kasoo gaadhay Brentford oo ay ku booqatay magaalada London, halkaas oo ay kala soo laabatay guul 4-1 ah, waxaanay u ahayd guushii koowaad ee Liverpool ay ku heshay Gtech Community Stadium.
Afar gool oo ay qaybsadeen afar ciyaartoy ayaa Liverpool siiyey guushan oo ay ku weyday laba ciyaartoy oo muhiim ah oo ka dhaawacmay qaybtii hore, iyadoo garoonka laga saaray Diogo Jota iyo Curtis Jones.
Ciyaartan oo ay Brentofrd ku bilaabatay si xooggan iyo cadaadis badan oo ay saartay goolka Liverpool, ayaa waxa fursad dahabi ah lumiyey da’yarka Conor Bradley oo kubbad uu bilowgii ciyaarta la galay xerada ganaaxa uu si dhib badan goolhayaha Brentford kaga badbaadiyey.
Ciyaarta oo goolal la’aan ah ayay Liverpool murugootay daqiiqaddii 33aad kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay Curtis Jones oo awoodi waayey inuu ciyaarta sii wato, isla markaana beddel degdeg ahaa lagu sameeyey, waxaana booskiisa yimid Ryan Gravenberch.
Daqiiqaddii 35aad ayay Liverpool hoggaanka ciyaarta ku qabatay gool qurux badan oo uu u dhaliyey Darwin Nunez oo kubbad uu soo tuuray Van Dijk uu madax ugu soo dhiibay Diogo Jota, taas oo uu weeraryahanka reer Uruguay ka dul-qaaday goolhaye Mark Flekken.
Waxyar kaddib ayay mar kale Liverpool murugootay, kaddib markii uu dhaawacmay Diogo Jota oo jilibka wax ka noqday, kaddib markii isaga oo dhulka jiifa uu kusoo dhacay ciyaartoy kale oo boodsanaa, sidaasna lagaga saaray ciyaarta iyadoo lagu beddelay Mohamed Salah.
Tababare Jurgen Klopp ayaa waqtigii nasashada sameeyey beddel xeeladeed, waxaana uu saaray Darwin Nunez oo uu kusoo beddelay Cody Gakpo oo ka shaqeeyey khadka dhexe iyo weerarka intaba.
Liverpool ayaa hoggaanka sii dheeraysatay daqiiqaddii 55aad oo uu gool qurux badan u dhaliyey Alexis Mac Allister oo kubbad uu ka helay Mohamed Salah usii gooyey difaac, kaddibna dhinac ka dhigay goolhaye Flekken oo ay u ahayd maalin xun.
Mohamed Salah ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0 daqiiqaddii 68aad isaga oo kubbad uu soo tuuray Cody Gakpo ku eryaday difaaca ka hor intii aanu dhinaca ka dhigin goolhayaha hiilka waayey Flekken.
Brentofrd ayaa keentay gool uu u dhaliyey Ivan Toney oo ay awodi waayeen inay wax kale raaciyaan, halka Liverpool ay keentay gool afraad oo uu u dhaliyey Cody Gakpo.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay yeelatay 57 dhibcood, waxaanay min shan dhibcood ka horreysaa Arsenal iyo Manchester City haddii ay guuleystaan fursad u heli doona inay soo yareeyaan farqiga dhibcaha laga horreeyo.