Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa farriin u diray laba ciyaartoy oo kooxdiisa ah ka hor kulanka maanta ee Manchester City, waxaana uu ka codsaday inay dabbaal-degyo sameeyaan haddii ay goolal dhaliyaan.
Chelsea ayaa fiidka hore waxa ay safar ugu tegi doontaa Manchester City oo ay marti ugu noqon doonto Etihad Stadium, waxaana haddii ay soo guuleystaan ay heli doonaan niyad wanaagsan oo ka caawisa inay sare uga soo dallacaan badhtamaha miiska kala-sarraynta ee ay ku jiraan, halka City na ay raadinayso guul ka caawisa inay hoggaanka ku qabsadaan Liverpool.
Blues oo 13 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta afraad ku jirta, ayaa waxa ay rumaysan yihiin inay sare usoo ruqaansan karaan haddii ay saddex dhibcood ka helaan Man City.
Mauricio Pochettino ayaa mar kale isku hallayn doona Cole Palmer oo xagaagii ay kasoo iibsadeen Manchester City, isla markaana bandhig fiican ka samaynaya garoomada, kaas oo 28 ciyaarood oo uu u saftay Chelsea u dhaliyey 12 gool iyo 9 uu caawiye ka noqday.
Horraantii xilli-ciyaareedkan, labada kooxood ayaa kulankoodii horyaalka Premier League ee Stamford Bridge waxay ku kala baxeen barbarro 4-4 ah, waxaana Palmer oo goolka afraad ee Blues waqti dambe dhaliyey uu diiday inuu ku dabbaal-dego naadigiisa hore.
Mauricio Pochettino oo farriin u diray laacibkan ka hor ciyaarta fiidka, ayaa yidhi: “Haddii aad dabbaal-degto, kubadda cagta ayaa wadata. Haddii aanad dabbaal-deginna, waxa aad doonaysaa inaad muujiso xushmad. Waa caadi, laakiin marka aad gool dhaliso, waxa aad u baahan tahay inaad dabbaal-degto.
“Waxa aad dilaysaa kooxdaadii hore, kaddibna waxa aad leedahay ‘waan ka xumahay’. Marka aad ku ciyaarayso shaadhadh ka duwan iyo calaamado ka duwan iyo kooxo ka duwan, ma joojin kartid dareennadaad.
“Marka aad dhaliso, waxa aad gelaysaa dareenka ugu quruxda badan, wayna adag tahay in aanad dabbaal-degin, markaa waa in aad dabaal-degto.”
Kaliya ma aha Cole Palmer ciyaartoyga uu doonayo Mauricio Pochettino in uu dabbaal-dego, hase yeeshee waxa ay sidoo kale farriintu ku socotaa Raheem Sterling oo isagana ay kala soo wareegeen Man CIty.