Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa durba heshiiska oo qoraal ah u dirtay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, saacado kaddib markii ay soo baxeen in laacibkani uu ku wargeliyey madaxweynaha kooxdiisa PSG in uu ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Dalabka heshiiska Real Madrid ay u dirtay Kylian Mbappe ayaa mushahar ahaan ka hooseeya midka ay PSG siiso laacibkan, waxaana uu sidoo kale aad uga hooseeyaa lacagta ay kooxda reer France u ballan-qaadday inay siinayso haddii uu ogolaadoin uu sii joog.
Real Madrid ayaa kalsooni buuxda ku qabta in ay la saxeexan doonto Kylian Mbappe, waxaanay warbaahintu sheegaysaa in Los Blancos ay wada-hadallo toos ah kula jirto laacibkan oo usbuucyada soo socda ay dhamaystiri doonaan heshiiskiisa.
25 jirkan oo soo afjaraya lix sannadood oo kasoo bilowday sannadkii 2017 oo uu u ciyaarayay PSG, ayaa waxa uu dhinaciisa doonayaa in uu u ciyaaro kooxda reer Spain ee Real Madrid oo uu illaa carruurnimadiisii ku riyoon jiray.
Fabrizio Romano ayaa sheegay in aanay wali Real Madrid iyo Mbappe isla gaadhin heshiiska oo buuxa, laakiin haddana uu jiro heshiis guud oo is-faham ah oo ah in laacibkani uu ka dego Santiago Bernabeu.
Real Madrid ayaa hore iskugu dayday inay la saxeexato Kylian Mbappe waqtigii uu joogay AS Monaco ee uu aanu tegin PSG ee 2017, waxaanay mar kale ku ruqaansadeen sannadkii 2022 oo iyadoo la filayo inuu si xor ah ugu wareego Real Madrid uu mar kaliya gaadhay go’aan ah inuu sii joogayo Parc des Princes.