Manchester United ayaa noqotay kooxda haysata ciyaartoyda ugu qaalisan kubadda cagta waqtigan, iyadoo Old Trafford ay ku sugan yihiin saf rikoodh jabis noqday oo ah kuwa ay ku xool-beeshay kooxdani sannadihii ugu dambeeyey.
Daraasad lagu sameeyey kooxaha waaweyn ee Yurub, ayaa waxa ay daboolka ka qaadday in sannadkii 2023 ay Manchester United noqotay kooxda haysata ciyaartoyda ugu qiimaha badan leh, kuwaas oo ku fadhiya lacag dhan €1.422 biyan oo Euro oo u dhiganta £1.21 bilyan oo Gini, waxaanay jabiyeen rikoodhkii ay hore u dhigtay Real Madrid sannadkii 2020.
Qiimayntan waxa aan ku jirin ciyaartoydii ay lacagta badan ku kharash garaysay Manchester United suuqii xagaagii tegay ee ay lasoo wareegtay Rasmus Hojlund, Mason Mount, Andre Onana iyo Altay Bayindir.
Manchester City ayaa noqotay kooxda labaad ee haysata safka ugu qaalisan, waxaana ay safkeedu ku fadhiyaan €1.1286 bilyan oo Euro oo u dhiganta £1.1 bilyan oo Gini, laakiin waxa aan ku jirin saxeexyadii xagaagii tegay ee Josko Gvardiol, Matheus Nunes iyo Jeremy Doku.
Chelsea ayaa soo gashay kaalinta saddexaad, iyadoo markii ugu horreysay ay saddexda naadi ee ugu sarreeya wada yeesheen kooxo Ingiriis ah, halka Real Madrid oo hore kaalinta koowaad ugu jirtay ay u dhacday afraad oo safkeeda uu qiimahoodu yahay €1.08 milyan oo Euro, laakiin waxa aan qiimayntan ku jirin saxeexyadii xagaagii ee Jude Bellingham, Arda Guler iyo Fran Garchia.
Halkan kaga bogo qiimaha safka 20ka kooxood ee haysta ciyaartoyda ugu qiimaha badan: