Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay guul-darradii uu sida aadka ah ugu farxay ee soo gaadhay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City xilli-ciyaareedkan socda, iyadoo uu macallinka reer Spain cusbo sii mariyey nabarrada Man United.
Red Devils ayaa waxa xilli-ciyaareedkan soo gaadhay guul-darrooyin badan, gaar ahaan bishii December oo uu tababare Erik ten Hag ku sigtay in shaqada laga caydhiyo.
Manchester United ayaa waxa horraanta bishii December 3-0 ku garaacday Bournemouth oo ku booqatay Old Trafford, waxaana sidoo kale garaacay Bayern Munich, Galatasaray iyo FC Copenhagen oo sabab u noqday in ay kaalinta ugu hoosaysa ku dhamaystaan group-ka A ee Champions League.
Guul-darrada uu tababare Pep Guardiola ku farxay ee uu ku wiirsaday waxay ahayd ciyaartii bishii November ay FC Copenhagen ku garaacday 4-3, waxaana isaga oo ka hadlaya Pep Guardiola uu yidhi: “Waxa aanu aragnay waxa ay Copenhagen samayn karayso kulamadii Manchester United iyo Galatasaray oo ahaa group adag.
“Markii aan arkay wixii ay ku sameeyeen Manchester United, waxa aan idhi ‘woow’, waanan ku farxay. Waxa ay u tartamayaan sidii koox gaajaysan oo tamarteedu badan tahay.”
Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa Salaasadii waxay 3-1 kaga soo adkaatay FC Copenhagen lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, halka lugta labaadna ay bisha dambe ku dheeli doonaan Etihad Stadium.