Horyaalka Premier League ayaa ansixiyey in maalqabeenka reer UK ee Jim Ratcliffe uu yeesho 25% saamiga kooxda kubadda cagta Manchester United, isla markaana hoos loo dhigay saamigii ay kooxda ku lahaayeen hantiileyaasha Maraykanka ah ee reer Glazer.
Shaacinta Premier League ayaa waxa ay timid maalin kaddib markii ay Komishanka Amniga iyo Sarrifka Maraykanka ee (SEC) ay shaaciyeen in Premier League uu go’aan ogolaansho ah siiyey maalgelinta Ratcliffe ee Manchester United.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa la sugayaa in ay iyaguna qaadaan tallaabo ansixin ah badhtamaha bishan February, iyadoo Sir Jim Ratcliffe uu hore u shaaciyey in badhtamaha bishan February ay wax walba dhamaan doonaan.
Heshiiska saami-wadaagga ee ay wada galeen Sir Jim Ratcliffe iyo qoyska reer Glazer, in maalqabeenka reer Britain uu yeesho 25% saamiga kooxda, sidoo kalena ay iibsan karaan illaa 36.7% mustaqbalka, laakiin hadda uu bixiyo Ratcliffe lacag dhan £1.02 bilyan oo Gini oo ah lacagta iibka saamiga rubuca ah iyo inuu £238 milyan oo Gini ku maalgeliyo naadiga.