Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa qiimayn aad u hoosaysa ku sameeyey fursadda ay kooxdiisu mar kale ugu guuleysan karayso tartamada Champions League, Premier League iyo FA Cup ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysteen, kuwaas oo ay mar kale yihiin kooxda ugu cadcad ee loo saadaalinayo.
City ayaa kaliya shan jeer oo isku xigta guuleysatay horyaalka Premier League tan iyo tartankii Club World Cup, balse waxay hoggaanka u jirtaa laba dhibcood iyadoo waliba hal ciyaar ahi u hadhsan tahay, halka wareegga 16ka Champions League ay ku beegmeen FC Copenhagen oo ay si aad ah uga awood badan yihiin iyo wareegga shanaad ee FA Cup oo ay ku dhaceen Luton Town.
Maanta oo ay ka guuleystaan Everton ayay hoggaanka qaban doonaan markii ugu horreysay tan iyo badhtamaha bishii November, waxaase isla maanta kala wareegi karta Liverpool haddii ay guuleysato ciyaarteeda Burnley ee isla galabta.
Tababare Pep Guardiola oo la weydiiyey fursadda ay kooxdiisu ku difaacan karayso saddexda koob ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysteen ayaa sheegay in ay aad u hoosayso fursaddoodu oo ay kaliya tahay 0.01%, waxaanu yidhi: “Aad ayay uga adag tahay hadda sidii hore. Marka hore waa in aanu isku dayno in aanu garaacno Everton, kaddibna aynu eegno waxa dhaca.
“99.99% ayaa suurtogal ah in aanaan ku guuleysanin saddexda koob sababtoo ah waligayo hore uguma aanaan wada guuleysanin, mana jirto cid hore u samaysay. Fursadda aad mar kale ku samaynayso waa sidaas.
“Haddii ay sahlanaan lahayd, koox kale sida Manchester United ayaa waqtigeedii samayn lahayd., sidaa daraadeed ma aha.”