Jose Mourinho ayaa magacaabay al ciyaartoy oo uu illaa hadda qoomamaynayo in aanu tababare u noqonin, kaas oo uu jeclaan lahaa in uu halmar gacantiisa soo galo oo uu ka mid noqdo ciyaartoyda uu laylinayo.
Special One oo hore usoo layliyey kooxo waaweyn oo reer Yurub sida Chelsea, Inter Milan, Real Madrid, Manchester United, Tottenham, FC Porto iyo AS Roma, ayaa waxa uu ka mid yahay macallimiinta ugu fiicnaa dunida qarnigan 21aad.
Koox kasta oo uu soo layliyey waxa uu kula guuleystay koobab marka laga reebo Tottenham, waxaana ciyaartoydii waaweynaa ee uu tababaraha usoo noqday ka mid ahaa Cristiano Ronaldo, Mesut Ozil, Mohamed Salah, Kevin De Bruyne, Didier Drogba, Frank Lampard, Karim Benzema, Deco, Samuel Eto’o iyo kuwo kale.
24 sannadood oo uu tababare ahaa, waxa uu Mourinho gaadhay wax kasta oo uu ku riyoonayey, laakiin waxa qoomamo ku haysa in aanu gacantiisa soo gelin hal ciyaartoy oo uu jeclaa inuu tababare u noqdo.
Jose Mourinho oo la weydiiyey ciyaartoyga uu jeclaa inuu tababare u noqdo ee aanu nasiibka u yeelanin, ayaa ku jawaabay: “Waligay ma aanan helin fursad aan ku tababaro Lionel Messi, laakiin qofnaba Messi tababare uma noqon karo.
“Way adag tahay in aan maleeyo in aan tababare u noqdo isaga, sababtoo ah waxa uu u dhashay inuu wax walba ku guuleysto, wax walba oo ku saabsan ciyaartana mar hore ayuu yaqaanay. Isaga ayaaba wax ku baraya. Waxa kaliya ee aan odhan karayaa waa in ay sharaf kuu ahaanayso in uu kooxdaada ka mid yahay.
“Waqtigaygii Inter iyo Real Madrid waxa aan jeclaa in aan helo Daniele De Rossi laakiin suurtogal ma ahayn. Waxa kale oo aan doonayey in Francesco Totti uu yimaaddo Inter xataa iyadoo ay da’diisu weynayd waqtigaas laakiin iyadna suurtogal ma ahayn. Markaa waxa jira ciyaartooyo aad mar walba doonayso laakiin aan suurtogal kuu noqon.”