Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa Sabtida garoonkeeda Santiao Bernabeu ku qaabbili doona kooxda ay xafiiltamayaan ee ay isku eryanayaan hoggaanka horyaalka ee Girona, waxaana Carlo Ancelotti uu waayi doonaa ciyaartooyo muhiim ah.
Los Blancos oo laba dhibcood ka horreysa Girona ayaa u halgami doonta inay guuleysato si ay shan dhibcood oo nadiif ah hoggaanka ugu qabato, hase yeeshee kooxda martida ah ee Girona ayaa iyaduna ku dedaali doonta inay ka faa’iidaysato kala-daadsanaanta difaaca Real Madrid oo ay guuleysato, si ay hal dhibic oo nadiif ah u dhaafto.
Real Madrid waxay heshay war fiican oo ah in laba ciyaartoy oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartii Atletico Madrid ay dib ugu soo laabteen, waana Antonio Rudiger iyo Vinicius Junior oo labaduba taam ah, isla markaana qaatay tababarkii kooxdooda ee maanta.
Warka kale ee fiican ee uu Carlo Ancelotti helay waa in uu diyaar yahay Aurelien Tchouameni oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii Atletico Madrid, isla markaana laga dheelsiin doono difaaca dhexe, sida la saadaalinayo isagoo garab istaagi doona Antonio Rudiger.
Laakiin dhinaca kale, waxa Real Madrid ka dhaawacan Nacho Fernandez oo ah kabtanka kooxda oo muddo maqnaan doona, waxaana beddelkiisa uu Carlo Ancelotti heerka labaad uga yeedhay difaaca da’da yar ee Jacobo Ramon.
Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Girona
Goolhayeyaal: Lunin, Kepa, Diego Piñeiro.
Difaacyahanno: Carvajal, Lucas Vázquez, Fran García, Rüdiger, F. Mendy, Jacobo.
Khadka Dhexe: Bellingham, Kroos, Modrić, Camavinga, Valverde, Tchouameni, D. Ceballos, Arda Güler.
Weerarka: Vini Jr., Rodrygo, Joselu, Brahim.