Paris St Germain ayaa isaga tageysa garoonka Parc des Princes ka dib markii maamulka magaalada ay xaqiijiyeen in garoonka uusan iib aheyn sida uu sheegay madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaifi.
“Waa arin adag inaan sheegno laakiin garoonka iib ma ahan. Waan ognahay waxa aan rabo, waxaan sannado badan ku qasaarinay isku daygeena inaan ku iibsano garoonka. Haatan way inoo sahlan tahay, waan ognahay waxa aan rabno. Way inooga dhamaatay garoonkaan. Waxaan dooneynaa inaan ka guurno Parc des Princes” ayuu Al-Khelaifi u sheegay suxufiyiinta.
Arintaan ayaa imaaneysa xilli kooxda Faransiiska ay isku diyaarineyso bixitaanka Kylian Mbappe kaasoo xagaaga u wareegaya kooxda Real Madrid marka uu qandaraaskiisa dhamaado.
PSG ayaa sheegtay inay eegeyso meelo kale oo ay garoon ka dhisato ka dib markii duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ay sheegtay in garoonka uusan iib aheyn.
“Inaan iibino garoonka ma ahan wax aan jecel nahay sababtoo ah waa go’aan aan ka laabasho laheyn. Waa sababta aan maanta u diidnay inaan iibino garoonka. Ma dooneyno inaan iibino xusuusta magaalada Paris” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka magaalada Paris ee Isboortiga Pierre Rabadan.
Garoonka Parc des Princes waxa uu hooy u ahaa PSG tan iyo 1974kii, afar sannadood ka dib markii kooxda la aas-aasay.
Kooxda ay iska leeyihiin dowlada Qatar ayaa dooneysay inay sii deganaato garoonka laakiin sideed sannadood oo ay wadahal ugu jireen inay garoonka iibsadaan waxay haatan ku qasban yihiin inay garoon cusub dhistaan.
Xasan cabdi