Kaddib sannado hadal-hayn ahaa oo Real Madrid lala xidhiidhinayay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, waxa ugu dambayntii ay u muuqdaan inay la saxeexanayaan xagaaga, iyadoo la sheegay in laacibkani uu go’aan ku go’aan ku gaadhay inuu u wareego Real Madrid xagaaga.
Los Blancos oo go’aansatay in xagaagii aanay la saxeexanin weeraryahan u beddela Karim Benzema, isla markaana la moodayey inay sugayso Kylian Mbappe ayaa waxay si ku-meelgaadh ah amaah ugu soo qaateen Joselu oo ay kala soo wareegeen kooxda heerka labaad ee Spain ee Espanyo, ayaa si fiican usii gunaya shaqada isaga oo dhaliyey goolal muhiim ahaa oo ka caawiyey Los Blancos inay hoggaanka horyaalka hayso.
Real Madrid iyo Kylian Mbappe midkoodna si buuxda uma shaacin in ay heshiis gaadhayaan, waxaase warbaahinta Faransiisku ay isku raacsan tahay in laacibkani uu ka degi doono Santiago Bernabeu.
Carlo Ancelotti ayay farxad weyn u tahay inuu helo gool-dhaliyaha reer France xagaaga, si xilli-ciyaareedka dambe uu u hoggaamiyo safka weerarka, laakiin kalidii ma aha ciyaartoyda ay doonayaan Real Madrid, waxaanay sidoo kale qorshaynayaan in aay Bayern Munich kasoo qaataan difaaca bidix ee reer Canada ee Alphonso Davies.
Haddaba sidee ayay noqon doontaa shaxda Real Madrid xilli-ciyaareedka dambe? Waxa su’aashan ka jawaabay wargeyska GMS oo soobandhigay shaxda Los Blancos oo uu ka saaray Dani Carvajal oo uu ku beddelay Lucas Vazquez, sidoo kalena uu kaydka dhigay Rodrygo Goes.
Waatan shaxda Real Madrid ay adduunyada ku qabsan doonto xilli-ciyaareedka dambe
Goolhaye: Thibaut Courtois
Difaaca: Lucas Vazquez, Eder Militao, Antonio Rudiger, Alphonso Davies
Khadka Dhexe: Federico Valverde, Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni, Jude Bellingham
Weerarka: Vinicius Jr, Kylian Mbappe