Manchester United ayaa la daalaa-dhacaysa dhaawacyo tiro badan, waxaana mar kale sariirta ku laabtay difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo ay waxyeello kasoo gaadhay jilibka intii ay socotay ciyaartii West Ham oo ay 3-0 kaga adkaadeen.
Tababare Erik ten Hag oo ka hor baadhitaanada la hadlay warbaahinta ayaa sii sheegay in dhaawaca laacibkan uu yahay mid ahlis ah, balse ay ku ducaysanayaan in aanu muddo dheer ku maqnaanin.
Martinez ayaa bishii hore kasoo laabtay dhaawac sababay in lagu sameeyo qalliin oo uu muddo saddex bilood iyo dheeraad ah ku maqnaa, waxaana hadda uu liiska dhaawacyada mar kale kula biirayaa Aaron Wan-bissaka, Tyrell Malacia, Mason Mount iyo Anthony Martial.
Haddaba, goorma ayay ciyaartoyda ka dhaawacan Manchester United kusoo laaban doonaan garoomada?
Sida ay muujinayaan xogaha laga helayo Manchester United, waxa shaqo adag ay u tallaa dhakhaatiirta kooxda oo uu tababare Erik ten Hag si joogto ah u weydiinayo sida ay yihiin ciyaartoyda ka dhaawacan iyo waqtiga ay soo laaban karayaan ee uu xisaabtiisa ku darsanayo.
Lisandro Martinez wali lama shaacin waqtiga soo laabashadiisa, hase yeeshee waxa hore loo ogaa ciyaartoyda kale ee kooxda ka maqan oo qaarkood aan iyagana illaa hadda la garanayn xilliga ay taamka noqonayaan.
Halkan kaga bogo xogta xiddigaha ka dhaawacan Manchester United
Lisandro Martinez
Halka uu ka dhaawacmay: Jilibka
Waqtiga uu soo laabanayo: Saacadaha soo socda ayaa la shaacin doonaa
Aaron Wan-Bissaka
Halka uu ka dhaawacmay: Lama sheegin halka uu ka dhaawacmay iyo noociisa intaba
Waqtiga uu soo laabanayo: Ciyaarta February 11 ee Aston Villa
Tyrell Malacia
Halka uu ka dhaawacmay: Jilibka
Waqtiga uu soo laabanayo: February 2024
Mason Mount
Halka uu ka dhaawacmay: Muruqa
Waqtiga uu soo laabanayo: February 11 vs Aston Villa (A)
Anthony Martial
Halka uu ka dhaawacmay: Jilibka
Waqtiga uu soo laabanayo: April 2024