Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa go’aansaday inuu ku biiro Real Madrid sida ay warbaahinta waddanka Faransiisku shaacisay, waxaana dhawrka bilood ee soo socda ay noqonayaan kuwa ugu dambeeya ee uu ka ciyaarayo horyaalka Ligue 1.
Wargeyska Ligue 1 ayuu ayaa shalay baahiyey xogtan, waxaana maanta soo baxaysa sababta dhabta ah ee uu laacibkani u doortay inuu ka tago PSG oo uu u wareego Real Madrid.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Mbappe uu ku qancay mashruuca ciyaareed ee Real Madrid ee mustaqbalka kaddib markii uu isku eegay labada mashruuc ciyaareed ee laada kooxood.
Florentino Perez oo sannadihii tegay dhawr jeer ku fashilmay inuu la saxeexdo Mbappe, ayaa ugu dambayntii helaya, waxaana uu mushahar uga qaadan doonaa Real Madrid lacag dhan €15 milyan oo Euro oo sannadkii ah iyo €6 milyan oo Euro oo kale oo gunnada saxeexa heshiiska ah.
Warka ayaa intaa ku daray, in Mbappe uu u arkay PSG in mustaqbalkiisa aanay ku habboonayn oo aanu ku tartami karaynin abaal-marinta Ballon d’Or oo sannadkan isaga oo wacdaro ka dhigay garoomada uu kaalinta saddexaad galay, halka Erling Haaland oo xilli-ciyaareed kaliya joogay horyaalka Premier League uu kaalinta labaad galay oo uu faro-ciddidood kaga baxsaday Lionel Messi.