Jurgen Klopp ayaa toddoba ciyaartoy ka reebay liiska ciyaartoydiisa kulanka Arsenal ee maanta ee garoonka Emirates Stadium, laakiin waxa uu haddana helayaa dookhyo badan oo uu kala dooran doono, isaga oo maanka ku haya in guul uu kasoo gaadho Gunners ay usii xaqiijin doonto in ugu yaraan shan dhibcood oo nadiif ah ay ku hayaan hoggaanka horyaalka Premier League.
Liverpool oo ciyaartii ugu dambaysay 4-1 kusoo karbaashtay Chelsea, ayaa dareen wanaagsan ula tegaysa Arsenal oo hore ay garoonka Emirates Stadium ugu garaacday, kagana reebtay tartanka FA Cup.
Weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez oo uu shaki ku jiray taam ahaanshihiisa ciyaartan ayaa dib ugu soo laabtay kooxda oo lagu soo daray liiska, kaddib markii uu awooday in Jimcihii uu tababarka buuxa la qaato kooxdiisa.
Sidoo kale, Trent Alexander-Arnold iyo Andy Robertson ayaa taam u noqday ciyaartan oo la filayaa inay kusoo bilaaban doonaan kaddib laba maalmood oo ay beddel ku yimaaddeen iyo muddo ay garooimada dhaawacyo ugaga maqnaayeen.
Thiago Alcantara oo tababarka la qaadanayay kooxdiisa toddobaadyadii u dambeeyey, KOstas Tsimikas, Stefan Bajcetic iyo Mohamed Salah ayaan lagu soo darin liiska oo ka maqnaanaya ciyaarta Arsenal ee maanta.
Waxa kale oo awoodi waayey inuu kasoo gaadho ciyaartan, xiddiga khadka dhexe ee reer Japan ee Wataru Endo oo ku maqnaa ciyaaraha xulka qarankiisa ee tartanka qaramada Asia oo ay Sabtidii Iran ka reebtay.
Joel Matip iyo Ben Doak oo dhaawacyo culus u jiifa, ayaa iyaguna aan qayb ka noqon doonin kulankan.
Inkasta oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Arsenal, haddana waxa aan la hubin inuu ciyaari doono maadaama uu aabbihii geeriyooday shalay.
Liiska xiddigaha Liverpool ee safarka ugu tegay Arsenal
Goolhayeyaal Adrian, Alisson, Caoimhin Kelleher.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Jarell Quansah, Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk.
Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Bobby Clark, Curtis Jones, Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, James McConnell, Ryan Gravenberch.
Weeraryahanno: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Diogo Jota, Luis Diaz.