Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa gaadhay go’aankii muddada dheer laga sugayey, waxaana uu ka tegi doonaa kooxdiisa PSG marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda oo uu si xor ah kaga bixi doonto Parc des Princes.
Mbappe ayaa soo afjari doona muddo lix sannadood ah oo uu ka ciyaarayay garoonka PSG oo uu kaga soo biiray Monaco sannadkii 2018kii, markaas oo uu noqday ciyaartoyga labaad ee ugu qaalisan adduunyada ee ku xigay Neymar, illaa haddana waa laacibka labaad ee ugu qaalisan.
25 jirkan oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey lala xidhiidhinayay kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa go’aansatay inuu ka tago PSG oo uu u wareego Real Madrid oo ahayd kooxdiisa riyada, sida uu shaaciyey wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa magaalada Paris oo helay xogta laacibkan.
“Kylian Mbappe waxa uu go’aansaday inuu dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tago horyaalka Ligue 1 oo uu ku biiro kooxda ugu weyn adduunyada ee Real Madrid, taas oo mar walba sugaysay isaga.” Ayaa uu yidhi wargeyska Le Parisien.
Warka ayaa intaa ku daray, in PSG aanay wax rajo ah ka qabin in ay sii haysan doonto laacibkan oo ugu dambayntii uu go’aanku dhinaciisa ka yimid, waxaana uu xataa diiday dalab cusub oo sannadkii uu mushahar ugu helayay £86 milyan oo Gini oo ay u bandhigtay PSG, waxaanu ka doortay Real Madrid oo mushahar intaas ka hooseeya siin doonta.
Xagaagii hore, Kylian Mbappe ayaa la sheegay inay dalab £103 milyan oo Gini ah ka gudbisay Mbappe, waxaase diidday PSG oo ku adkaysanaysay in aanay ku iibinayn wax ka hooseeya £213 milyan oo Gini, taas oo markii dambe ay u gaadhay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal oo sidoo kale mushahar u siinaysay laacibkan lacag dhan £173.2 milyan oo Gini sannadkii, laakiin waxa iyadana iska diiday Mbappe oo sheegay in hadafkiisu aanu ahayn lacag kaliya.