Halyeyga Arsenal ee Cesc Fabregas ayaa sheegay, in kooxdiisa hore aanay kasoo kaban karin haddii ay dhibco kale lumiso ciyaarta Liverpool ee maanta, isla markaana horyaalka ay ka quusan doonaan, waxaanu digniin adag u diray tababare Mikel Arteta.
Cesc Fabregas waxa uu sheegay, in ciyaartoyda Liverpool ay dhiirigelin ka heleen tababare Jurgen Klopp oo ay doonayaan inay ku sagootiyaan koobab maadaama uu shaaciyey inuu ka egayo dhamaadka xilliciyaareedakn.
Arsenal ayaa waqtigii jiilaalka waxa ay keentay natiijooyin aan fiicnayn oo kasoo dejiyey hoggaanka oo mar kali ku ahayd, waxaase ay guulo is-xigay ka keentay Crystal Palace iyo Nottingham Forest iyagoo hadda shan dhibcood ak dambeeya Liverpool oo hoggaanka haysa.
Sesc Fabregas oo ahaa kabtanka Arsenal, ayaa waxa uu digniin u diray Mikel Arteta ka hor ciyaarta Liverpool, waxaanu yidhi: “Ciyaartoyda Arsenal waa kuwo da’yar oo geesiyaal ah, waa kuwo caadifi ah oo run ahaantii doonaya inay ciyaar walba nafta huraan.
“Marka aynu ka hadlayno in aan la guul-darraysanin, waxa aan xasuustaa Inter Milan iyo waqtigii Jose Mourinho, Chelsea iyo waqtigii Jose Mourinho… waxay ahaayeen kuwo khibrad badan, si dhab ayeyna u garanayeen waxa la samaynayo, waxayna yaqaanneen sida loo ciyaaro kulamadan oo kale.
“Laakiin Arsenal, waxaynu ka hadlaynaa khibrad, mar walba oo aynu isku dayno inaynu samayno waxyaabahaas oo kalena nooca ciyaartoyda aynu haysanay kuma aanay filnayn khirbaddooda iyo da’doodu.
“Kaliya isku daya inaad barbarraysaan, taas macnaheedu waa inaad si ka duwan oo aydaan hore ugu dheeli jirin aad u ciyaartaan, waa in aynu runta isku sheegno.”
Cesc Fabregas oo laba jeer ku guuleystay horyaalka Premier League, waxa uu intaa ku daray: “Sida aan ku aqaanno Mikel Arteta waxa uu doonayaa in uu guuleysto, fursad weyn ayay u tahay oo ay kusoo yarayn karayaan farqiga.
“Aniga fikradayda, waa inay isku dayaan inay guuleystaan si ay usoo yareeyaan farqiga, sababtoo ah waxa bilaabantay waqtigii la go’aaminayey horyaalka Premier League. Kama soo kaban karaan haddii ayd hibco kale lumiyaan, wali waa waqti hore, laakiin waxaynu joognaa heer aynu dareemayno in kuwa ay dhab ahaan yihiin horyaalka sannadkani.”
Mar la weydiiyey go’aanka Jurgen Klopp uu kaga tegayo Liverpool iyo saamaynta uu ku yeelanayo ciyaartoyda kooxdaas, waxa uu ku jawaabay: “Waa in aynu fahamno dareenka dhabta ah, waxaanan aaminsanahay inay jiraan waqtiyo badan oo tan oo kale ah, tusaale ahaan bixitaanka Klopp.
“Ciyaartoyda Liverpool waxay isku dayi doonaan in ay isaga dartii nafta u huraan oo ay wax walba ku guuleystaan, waxay ila tahay in ay dhiirigelin dheeraad ah ka helayaan ciyaartoyda Liverpool oo ay koobab ku guuleysan doonaan.”