Khabiir uu horyaalka Spain ee LaLiga ugu yeedhay inuu ka caawiyo baadhitaanka aflagaaddada uu Jude Bellingham kula kacay xiddiga reer England ee Mason Greenwood, ayaa shaaciyey in 97% uu Bellingham yidhi hadalka lagu eedaynayo.
Intii ay socotay ciyaartii Khamiistii ee Real Madrid iyo Getafe, ayaa waxa isku dhacay xiddigaha reer England ee Bellingham iyo Greenwood oo labada naadi u kala ciyaarayay.
Jude Bellingham ayaa lagu eedeeyey inuu ku yidhi Greenwood kalmad ahayd ‘Kufsade’, isaga oo ka daba socday eedayn hore laacibkan loogu haystay oo ay maxkamaddu ku weyday in gabadh soo eedaysay uu faro-xumeeyey.
Getafe ayaa garsooraha ciyaarta weydiisatay inuu warbixintiisa kulanka ku daro aflagaaddada uu Jude Bellingham u geystay Greenwood, waxaana isla markiiba la bilaabay baadhitaan.
Khabiirkii uu LaLiga ugu yeedhay kiiskan ayaa la hadlay wargeyska Daily Mail, waxaanu yidhi: “Kaddib markii aan si taxadar leh u daraaseeyey uuqaalka, waxa aan 97% ku kalsoonahay in kalmadda lagu hadlay ay tahay ‘Rapist’ (Kufsade), gaar ahaan marka aad eegto xaaladda lagu jiray.
“Muuqaalka dabnuhu waxay tilmaamayaan, in la adeegsaday xarfaha ‘R iyo ‘P’ oo lagu dhawaaqay, waxayna kalmaddu u muuqataa inay ku dhamaatay si adag.
“Waxa intaas dheer, qofka hadlay waxa uu u muuqanayay inuu ku hadlayay lahjadda ‘Brummie’ oo aan ku salleeyey turjumaaddayda.”
Freeman oo ah ninka turjumaadda sameeyey, ayaa intaa ku daray: “Waan hubaa in gunaanadka arrintan uu sidaas noqonayo.”
Jude Bellingham ayaa lagu ridi doonaa ganaax, waxaana laga mamnuuci doonaa inuu kooxdiisa u ciyaaro in muddo ah haddii ay arrintani ku caddaato, laakiin waxa hadda laga war sugayaa sida ay masuuliyiinta horyaalka LaLiga uga hadlaan kaddib baadhitaanka.