Horyaalka waddanka Ingiriiska 23aad oo ku curanaya iyadoo Liverpool shan dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka Premier League isla markaana Manchester City iyo Arsenal ay isku dhibco yihiin oo ay mid walba gambadh gaaban ugu fadhido sidii ay ugu dallici lahayd xagga sare haddii ay kufto kooxda tababare Jurgen Klopp.
Toddobaadkan waxa isku muruxsanaya kooxaha sare, waxaana maalinta berri ee Axadda ah garoonka Emirates Stadium uu martigelin doonaa ciyaar si weyn loo sugayo, waana Arsenal iyo Liverpool.
Labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ee Liverpool iyo Arsenal waxay ku dhamaadeen barbarro, halka labadii kulan ee kasii horreeyeyna ay labada kooxood midba mar guuleysatay, laakiin ciyaartoodii ugu dambaysay oo 7dii January ay ku kulmeen tartanka FA Cup waxa 2-0 kusoo adkaatay Liverpool oo waliba ku sugnayd Emirates Stadium.
Khabiirka kubadda cagta Chris Sutton oo saadaaliyey kulankan, ayaa waxa uu markan u janjeedhsaday dhinaca Arsenal oo uu sheegay inay 2-1 ku garaaci doonto Liverpool, taas oo haddii ay dhacdo ka dhignaan doonta in kooxda tababare Klopp loosoo jirsan doono laba dhibcood oo kaliya.
Waxa kale oo uu khabiirka BBC Sports guulo u saadaaliyey Manchester United iyo Manchester City, balse waxa uu niyad-jabiyey Chelsea oo uu sheegay inay dhibcaha wadaagi doonaan Wolves.
Saadaasha kulamada 23aad ee Premier League ee Chris Sutton oo dhamaystiran
Sabti
Everton 2-2 Tottenham
Brighton 2-1 Crystal Palace
Burnley 1-1 Fulham
Newcastle 3-1 Luton
Sheffield United 1-2 Aston Villa
Axad
Bournemouth 2-1 Nottingham Forest
Chelsea 1-1 Wolves
Man United 1-0 West Ham
Arsenal 2-1 Liverpool
Isniin
Burnley 1-3 Man City