Maamulka horyaalka La Liga ayaa goor dhaweyd ka hadlay eeda xun ee loo heysto xiddiga Real Madrid Jude Bellingham iyagoo sheegay inay shaqaaleysiin doonaan qof ku takhasusay akhrinta dibnaha si loo ogaado haddii Bellingham uu aflagaadeeyay Mason Greenwood.
Jude Bellingham ayaa lagu eedeeyay inuu ku yiri xiddiga Getafe Mason Greenwood: “Waxaad kufsataa dumarka” taasoo la xiriirta kiiskii loo heystay xiddiga Man United ee markii danbe danbiga lagu waayay.
Si loo xaqiijiyo in Bellingham uu aflagaadadaas u geystay Greenwood, maamulka La Liga waxay qaadeen talaabo ay shaqaaleysiinayaan shaqsi ku takhasusay akhrinta dibnaha si loo ogaado haddii uu ereyadaas ku yiri Greenwood.
Getafe ayaa dacwad u gudbisay horyaalka LaLiga, kaddib markii sida la sheegay uu Jude Bellingham garoonka dhaxdiisa ku aflagaaddeeyey Mason Greenwood oo uu ku yidhi ‘Dumarka ayaad kufsataa’, taas oo uu ka daba socday kiis loo haystay laacibkan oo uu sannad iyo badh garoomada uga maqnaa laakiin markii dambe lagu waayey.
Ciyaartii xalay ay Real Madrid guusha 2-0 ah kaga soo gaadhay Getafe ayaa uu falkani ka dhacay, waxaana kaamirooyinku ay qabteen Bellingham oo cadhaysan oo hadallo aan habboonayn ku leh Greenwood.
Muuqaallo ay baahiyeen telefishannada Spain ayaa muujinaya Bellingham oo ereyo ka cadhaysiiyey Greenwood ku leh, laakiin waxa aan la soconin cod, taas oo keentay in loo baahdo dadka akhriya dabnaha.
Wargeyska Cadena SER ayaa maanta boggiisa hore ku qoray, in isla markii ay ciyaartu dhamaatay ay Getafe ka codsatay garsooraha ciyaarta, in warbixintiisa uu u gudbiyo horyaalka LaLiga iyo xidhiidhka kubadda cagta Spain uu ku daro dhacdadan.