Mikel Arteta ayaa carabka ku adkeeyay in kooxdiisa ay kalsooni weyn ku qabto inay garaaci karaan Liverpool kulanka adag ee Axada, xilli uu difaacay go’aankii ay Arsenal kula soo wareegi weysay gooldhaliye bishii Janaayo intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.
Kooxda Arsenal ayaa martigelin doonta Axada kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ee Liverpool, waana kulan saameyn ku yeelan kara tartanka horyaalka madaama Reds ay shan dhibcood ka sareyso Gunners.
Bishii la soo dhaafay Arsenal ayaa guuldarro ay ka soo gaartay Liverpool wareegii 3aad ee FA Cup, iyadoo Gunners ay qasaarisay fursado badan ka hor inta aan labo gool oo xilli danbe ah looga badinin.
Waxay taasi sarre u qaaday baaqii ku saabsanaa in Arsenal ay u baahan tahay gooldhaliye cusub.
Laakiin weeraryahan cusub ma imaanin iyadoo Arsenal ay go’aansatay inaysan waxba soo iibsanin bishii la soo dhaafay. Arteta ayaa kalsooni weyn ku qaba ciyaartoydiisa ka hor kulanka weyn ee Liverpool.
Markii la weydiiyay haddii guuldarro Axada ka soo gaarta Liverpool iyo goolal la’aan ay ku keeni doonto inuu ka qoomameeyo inuusan gooldhaliye soo iibsanin, Arteta waxa uu ku jaawabay:
“Haddii aan badino Axada oo aan goolal badan dhalino, iyadana maxaa dhacaya?
“Waan jeclahay ciyaartoydeyda, waxaana aaminsanahay inay Axada goolal badan dhalin doonaan, waxay noqon doonaan kuwa ugu sareeya. Waxay mudan yihiin amaanta oo dhan sababtoo ah waa kuwa aad u fiican.
“Siyaabo kala duwan ayaan goolal u dhalineynay labadii todobaad ee ugu danbeysay, taasoo ah wax weyn. Kooxda waa inay ka adag tahay meel walba haddii aan dooneyno inaan kaalinta ugu sareysa galno.
Markii la weydiiyay haddii ay garaaci karaan Liverpool madaama ay 1-0 ku garaaceen Man City kulankii bishii Oktoobar, waxa uu ku jawaabay:
“Sidoo kale waxaan garaacnay Manchester United iyo Brighton iyo markii aan la ciyaarnay Liverpool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Dhowr jeer ayaan garaacnay kooxaha waa weyn”