Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa baadhitaan ku samayn doona xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham oo fal doqonniio ah sameeyey xalay,isla markaana aflagaaddeeyey laacibka ay isku waddanka yihiin ee Masoin Greenwood.
Getafe ayaa dacwad u gudbisay horyaalka LaLiga, kaddib markii sida la sheegay uu Jude Bellingham garoonka dhaxdiisa ku aflagaaddeeyey Mason Greenwood oo uu ku yidhi ‘Dumarka ayaad kufsataa’, taas oo uu ka daba socday kiis loo haystay laacibkan oo uu sannad iyo badh garoomada uga maqnaa laakiin markii dambe lagu waayey.
Ciyaartii xalay ay Real Madrid guusha 2-0 ah kaga soo gaadhay Getafe ayaa uu falkani ka dhacay, waxaana kaamirooyinku ay qabteen Bellingham oo cadhaysan oo hadallo aan habboonayn ku leh Greenwood.
Muuqaallo ay baahiyeen telefishannada Spain ayaa muujinaya Bellingham oo ereyo ka cadhaysiiyey Greenwood ku leh, laakiin waxa aan la soconin cod, taas oo keentay in loo baahdo dadka akhriya dabnaha.
Wargeyska Cadena SER ayaa maanta boggiisa hore ku qoray, in isla markii ay ciyaartu dhamaatay ay Getafe ka codsatay garsooraha ciyaarta, in warbixintiisa uu u gudbiyo horyaalka LaLiga iyo xidhiidhka kubadda cagta Spain uu ku daro dhacdadan.
Haddii arrintani ay run noqoto, Jude Bellingham ayaa lagu ridi doonaa ganaax adag oo uu ka shallayn doono, iyadoo laga horreysiinayo baadhitaanno adag oo aan wax arxan ah loogu geli doonin.