Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si buuxda ula wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay 2-0 kusoo garaaceen Getafe oo ay booqasho ugu tageen.
Laba gool oo labadii qaybood ee ciyaarta uu kala dhaliyey Joselu Mato ayaa Real Madrid siiyey guul muhiim ah oo sababtay inay kali ku noqdaan hoggaanka horyaalka LaLiga, isla markaana laba dhibcood ay dhaafaan Girona oo muddo ay isla rafaadsanaayeen.
Kooxda tababare Carlo Ancelotti oo inta badan maamulaysay ciyaarta ayaa waxa ay iska khasaarisay fursado badan oo ay tirada goolasha kaga kordhisan karayeen labada jeer ee ay shabaqa soo taabteen, iyadoo isbeddello badan uu kulankan ku sameeyey khabiirka Talyaanigu oo uu nasiyey Toni Kroos, Carvajal, Camavinga iyo Rodrygo Goes.
Real Madrid ayaa guushan waxa u wehelinayay murugo kaga timid difaaca dhexe ee reer Germany ee Antonio Rudiger oo garoonka ka baxay waqtigii nasashada kaddib dhaawac kasoo gaadhay muruqa bowdada ee lugta bidix.
Daqiiqaddii 14aad ayay Real Madrid hoggaanka ku qabatay gool uu madax ku dhaliyey Joselu oo kub bad hadiyad ahayd ka helay Lucas Vazquez oo difaac midig illaa garab ka ciyaarayay.
Shan daqiiqadood markii ay ka hadhsanayd dhamaadka qaybta hore ayay Real Madrid madaxa qabsatay markii ay arkeen Rudiger oo ay isku dhaceen Greenwood oo laangadhaynaya waxyar kaddibna dhulka fadhiistay, waxaana uu baxay waqtigii nasashada.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay toban daqiiqadiid socotay ayay Real Madrid ciyaarta ka dhigtay 2-0, iaydoo gool labaad uu u keenay Joselu oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Vinicius Junior oo fursado badan lumiyey ka hor intii aan la saarin.
Mason Greenwood iyo Mayoral ayaa uu nasiibku diideen oo birta u garaacay Real Madrid, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Real Madrid oo yeelatay 57 dhibcood, halka Girona ay u dhacday kaalinta labaad oo ay ku haysato 55 dhibcood, iyadoo Barcelona iyo Atletico Madrid oo ku kala jira kaalmaha saddexaad iyo afraad oo leh min 47 dhibcood oo ay toban dhibcood oo nadiif ah ka dambeeyaan Real Madrid oo hoggaanka haysa.